4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
Dowladda FS oo Maanta ka Hadashay Xayiraadii Garoonka Jomo Kenyatta ee Wafdigii RW Cumar


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka hadashay maanta Xayiraaddii Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi Wafdigii RW Somalia uu hoggaaminayay loogu geystay Sabtidii Toddobaadkan, iyagoo Garoonkaas ku ahaa Transit ay uga gudbayeen Magaalada Istanbul ee Wadanka Turkiga si ay uga qayb-galaan shirka wada-tashiga HLPF ee Magaalada Istanbul ka dhacaya.

Inkastoo, Wafdiga uu Hogaaminayay RW Cumar C/rashiid, iyo Mas’uuliyiin DF ka Tirsan ay heleen soo dhaweyn, Haddana waxaa caqabad iyo dib u dhac la kulmay xubnihii kale ee Wafdiga oo ay ka mid ahaayeen xildhibaanno Baarlamaanka Federaalka Somalia ka tirsan.

“Dowladaha Somalia & Kenya horay waxay u kala Saxiixdeen heshiis is-faham ah (MOU), kaasoo dhigayay in Xubnaha sare ee dowladda Somalia iyo Xildhibaannada Baarlamaanka ay helaan ogolaansho Dal-ku-gal - Waqti kasta oo ay u safraan Dalka Kenya, iyadoon dib u dhac lahayn, laakiin nasiib-darro in dowladda Kenya ay jabisay heshiiskaas,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ay soo saartay maanta Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Somalia ayaa War-saxaafadeedkeedan ku xustay inay ka sugayso Hoggaamiyeyaasha dowladda Kenya cudur-daar rasmi ah iyo faahfaahin la xiriirta dhacdadaas iyo sababta keentay Xanibaadda Wafdi heerkiisu sareeyo oo uu Hoggaaminayo RW Xukuumadda Federaalka.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia, waxay sheegtay inay ka fekereysaa jawaabta ku haboon ee falkaas ay ka bixinayso. Waxaana hadalkaan uu kusoo beegmayaa maalin kaddib markii garoonka diyaaradaha Nairobi ee Jomo Kenyatta muddo 20 saacadood ay ku Xayirnaayeen xubno ka tirsanaa wafdigii la socday Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.

Si kastaba ha ahaatee, RW Somalia ayaa Maanta ugu Sheegay Turkiga HOL in uu ka bixin doono jawaab cad falkii ay kula kaceen madaxda Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Magaalada Nairobi, Inkastoo uusan Caddeyn Jawaabta uu Falkaan ka bixinayo Nooceeda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya