4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
RW Soomaaliya oo HOL u sheegay inuu Jawaab ka bixinayo Xanibaadii Garoonka Jomo Kenyatta


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo Magaalada Istanbuul ee waddanka Turkiga uga Qayb-galaya kulan looga hadlayo Xiriirka Ganacsi ee Somalia iyo Turkiga ka dhexeeya; ayaa uga Warramay HOL xayiraaddii maalin ka hor loogu geystay isaga iyo wafdigiisa Garoonka Diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wareysiga uu RW Sharma’arke siiyay HOL, ayuu ku sheegay in muddo saacado ah uu ku jiray Garoonka Jomo Kenyatta, isagoo intaas ku daray inuu Tallaabo uu kaga Sal-gaarayo sababta uu garoonka Nairobi loo xannibay.

“Sida Warbaahintu ay u qortay warbixinta arrintan ku saabsan oo ahayd in isaga uu ka mid ahaa Xubnaha la Xannibay ay tahay mid been-abuur ah, Waxaanan kala hadlay Saraakiisha Garoonka Jomo Kenyatta in Xildhibaannada la sii daayo oo ay galaan Nairobi, inakstoo ay Dowladda Kenya aniga igu qancisay in marka hore aan ka baxo garaoonka, kaddibna ay sii deyn doonaan xubnaha wafdiga intooda kale,” ayuu RW Somalia u sheegay HOL.

Isagoo sii hadlaya ayuu Ra'iisul wasaare Sharmar’akre sheegay inay xukuumadda Kenya in ay uga baxday in xildhibaannadii iyo xubnihii kale ee garoonka ku jiray ay ay kasoo saarto, kuwaasoo ku jiray garoonka maalintii iyo habeenkii xigay, taasoo uu ku Tilmaamay mid ka baxasan xeerarka dublamaasiyadeed ee u dhaxeeya labada waddan, uuna tallaabo cad oo ka dhan ah falkaas qaadi doono.

Sabtidii lasoo dhaafay ayay ahayd markii Garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee Nairobi lagu xannibay muddo saacado ah wafdiga RW Somalia oo isugu jiray xildhibaanno,wasiiro iyo ganacsato dhamaantood kusii jeeday magaalada istanbuul ee Dalka Turkiga oo ay kaga Qayb-galayaan shirka horumarinta Somalia oo Maanta si Rasmi ah uga Furmay Magaalada istanbuul.

Dhanka kale, Xukuumaddda Kenya ayaa ku andacootay dhankeeda in Diyaaraddii Wafdiga uu hoggaaminayay RW Somalia sidday aysan soo marin Degmada Wajeer-Kenya ayna uga shakiyeen arrimo la xariira Ammaanka, laakiin RW Sharma'arke ayaa sheegay inaysan soo marin diyaaradaha Mas'uuliyiinta Soomaalida sida Garoonka Degmada Wajeer, maadaama ay yihiin Mas’uuliyiin Dowladeed.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo ka mid ahaa Wafdigaas oo HOL ay kula kulantay goobta uu shirka ka furmay ee Magaalada Istanbuul ayaa isna u sheegay HOL in si aan anshax ahayn loola dhaqmay, taasna jawaabteedalaga doonayo xukuumada Somalia, ayna daba-gal ku sameyso; isagoo intaa raaciyay Hadalkiisa in muddo ka badan 20-saac ay ku xanibnaayeen Garoonka Joma Kenyatta gudihiisa.

Waxay HOL Xildhibaanka Weydiisay Qaabka Baasaboorrada looga Qaatay, Wuxuuna ku jawaabay; In markii hore la siiyay Dal-ku-galka ama Fiisadaha Dalka Kenya, balse markii ay dibadda uga baxeen Garoonka Magaalada Nairobi laga daba-yimid oo baasabooradoodii laga ururiyay; dabeedna lagu xayiray Gudaha Garoonka Jomo Kenyatta.

Xukuumadda Somalia, ayaa iyaduna Qoraal ay soo saartay Galabta oo Isniin ah, waxay ku Sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tallaabo ka qaadanayso falkii Xayiraadda ahaa ee Kenya ay lagula kacay RW Somalia iyo Wafidigiisii.

Ugu dambeyntii, Ma ahan markii ugu Horreysay oo Kenya ay sidaan oo kale ula Dhaqanto Dublamaasiyiinta Soomaaliyeed oo sii mara dalkaas ama ku sugan Gudaha Kenya.

Wareysigan Waxaa Qaaday Wariyaha HOL - Ibraahim Cumar Baafo oo Turkiga ku sugan.

Ibrahim Baafo, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Magaalada Istanbul, Turkiga