4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
Dagaal u dhexeeya Ciidanka Itoobiya ee AMISOM iyo Al-shabaab oo ka socda G. Shabeellada Hoose


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Dagaal u dhexeeya Ciidamada Itoobiya ee Qaybta ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM] iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Yaaq-bari-weyne oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka laga helayo Deegaanka Yaaq-bari-weyne ayaa sheegaya in la maqlayo nooyo kala duwan oo hub ah, kuwaasoo ay Dhinacyada Hardamaya ay isku adeegsanayaan, iyadoo aan illaa hadda la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.

Al-shabaab ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in dagaalka uu ka dhashay Weerar ay ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay meel u dhow Garoonka Diyaaradaha Balli-doogle oo aan ka Fogeyn Deegaanka Yaaq-bari-weyne .

Sidoo kale, Al-shabaab, ayaa sheegtay in Qaar ka mid ah Gaadiidkii ay Ciidamada Itoobiya wateen ay ku gubteen dagaalka, Inkastoo aysan jirin Warar Madax-bannaan oo Xaqiijinaya sheegashada Al-shabaab.

Taliska Guud ee AMISOM ayaan weli ka hadlin dagaalka Ciidamada Itoobiya ee ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee Somalia ka Hawlgala iyo Al-shabaab, Waxaana deegaankaan ay horay ugu dagaalameen ciidamo ka tirsan kuwa Al-shabaab iyo AMISOM.

Wixii Warar ah ee kasoo kordha Dagaalkan u dhexeeya Ciidanka AMISOM ee ka Itoobiya iyo Xoogagga Al-shabaab, waxaad kula socon doontaan wararka HOL ee soo socda haddii ALLE ogolaado.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya