4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
UGANDA: Besigye oo Maanta la Xiray Markii uu ku Goodiyay inuu Qabanayo Mudaaharaaadyo


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Hoggaamiyaha ugu weyn Mucaaradka Uganda Kizze Besigye ayaa maanta la xiray, kaddib markii uu ku goodiyay inuu dhigayo Mudaaharaadyo waaweyn oo ka dhan ah guusha uu Madaxweyne Museveni doorashadii Toddobaadkii hore ka dhacay Waddanka Uganda.

Besigye ayay ciidamadu ku qaateen gaari ciidan, kaddib markii uu isku dayay inuu ka baxo Gurigiisa oo Xabsi ahaan loogu hayay, iyadoo Xabsiga loo Dhaadhiciyay, sida ay sheegeen ehelladiisa aadka ugu dhow.

“Kizze BESIGYE waxaa loo taxaabay mid ka mid ah xabsiyada millaterigu ay ku leeyihiin magaalada Kampala,” ayay Winnie Byanyima oo ah xaaska Besigye ay Warfidiyeenka ugu sheegtay Kampala, kaddib markii Kizze Besigye ay Ciidanka Amnigu ka wateen Gurigiisa.

Madaxweyne Yoweri K. Museveni ayaa Khamiistii lasoo dhaafay ku Guuleystay markiisii Shanaad Doorashada Madaxnimo ee ka dhacay Uganda, Waxaana guushan ay noqonaysaa mid kusoo beegmaysa isagoo Waddankaas Xukumayya muddo 30-sannadood ah.

Sidoo kale, hoggaamiyaha ugu weyn mucaaradka dalka Uganda, isla markaana ah ninka uu Xifaal-tanka adag kala dhexeeyo Museveni, ayaa sheegay in la xaday Codadka doorashada, halka kormeerayaasha caalamka ka socda ay ku sheegeen in doorashadii ugu dambeysay ee Uganda ka dhacday ay hareeyeeen Cabsi iyo Argagax.

Dhanka kale, Yoweri Kaguta Museveni oo u Waramayay BBC-da, ayaa wuxuu hadalkii ka soo baxay Kizze Besigye ee ah in codadkii Doorashada la Musuq-maasuqay ku Tilmaamay inay yihiin kuwo Dacaayad ah, isagoo ku eedeeyay Besigye inuu doonayo inuu Colaado ka abuuro Dalka.

Museveni oo sidoo kale ka Jawaabayay eedeymaha Kormeerayaasha Beesha Calaamka ee ah in Doorashadu aysan ahayn mid ku dhacday si xor ah oo ku dhisan dimuqraadiyad ayaa Wuxuu yiri. “Sidii ay Doorashadii Uganda u dhacday waxay ahayd mid Hufan, Waxaadna ka arki kartaa in qof walba oo reer Uganda ay si xor ah codkooda u dhiibteen.”

Guddiga Doorashooyinka Qaranka Dalka Uganda, ayaa Galabnimadii Jimcihii Shaaciyay Natiijadii Doorashadii Madaxnimo ee dalka Uganda; iyagoo sheegay in Yoweri Museveni uu ku guuleystay, kaddib markii uu helay in ka badan 50% Codadkii Doorashada, halka uu Kizze Besigye oo ay xifaaltamaan uu ka helay 35%, taasoo uu si adag u diiday Besigye.

Ugu dambeyn, Kizze Besigye ayaa waxaa todobaadkii hore la xiray muddo saddex jeer ah, iyadoo Xariggiisaan ugu dambeeya ay Noqonayso kii Afaraad oo la xiro Muddo ku Siman laba Toddobaad, iyadoo Markaan loo Taxaabay xabsi, halka markii hore lagu hayay guriga uu ka daggan yahay Kampala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya