4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
Waaxda Socdaalka Somalia oo dib uga Laabatay Xayiraaddii Duulimaadyadii Somaliland (Akhri)


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Somalia Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa sheegay in uu dib uga laabtay Ganaaxii uu horay u soo saaray Duullimaadyada aada Somaliland ee ka baxaya Muqdisho, iyadoo muddadii uu joojinta duulimaadyadaas u qabtay ay ku eg-tahay Maanta oo Isniin ah 22-ka Feb, 2016-ka.

Jen. Gaafoow ayaa amarkan xayiraadda ah ee uu horay u soo rogay qaatay, kaddib markii Somaliland uu ku eedeeyay inay u Dhaqmayaan sidii Dal ka Madax-bannaan Soomaaliya inteeda kale.

“Kaddib markii Dadka Soomaaliyeed ay kala kulmeen Dhibaatooyin fara badan Maamulka Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Hargeysa, taasoo ahayd midii keentay in loo qabto muddo Duullimaadyadii u kala Gooshi jiray Muqdisho iyo Hargeysa, ayaan go’aansannay inaan ka laabanno, kaddib markii Maamulayaasha Shirkadaha Duullimaadyada Dalka in la Xalliyay dhibaatooyinkii ay ka cabanayeen shacabka Soomaaliyeed,” ayuu Jen C/llaahi Gaafoow ku yiri Warbixin uu shalay oo Axad ahayd soo saaray.

HADDABA, Warbixintii uu soo saaray Jen. C/llaahi Gaafoow ayaa u Qornaan Sidan;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya