4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
Hay’adda Xuquuqul Insaanka ee HRW oo eedeyn u jeedisay Ciidanka Amniga Dowladda Itoobiya


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Hay’adda Xuquuqul-Insaanka Human Rights Watch [HRW], ayaa Warbixin Cusub oo ay soo saartay ku eedeysay Laamaha Amniga Dowladda Itoobiya, iyadoo sheegtay inay dilal iyo garaacis iyo xarig u geysteen dibad-baxayaal kasoo jeeda Gobolka Oromada.

Tacaddiyadan ayay Hay'addu sheegtay inay dhaceen Afartii bilood ee u dambeeyay, iyadoo intaas ku dartay in Xukuumadda Itoobiya ay iyadoo Awood Adeegsanaysa ay Muquunisay shacab si nabad-galyo ah u dhigayay dibadbaxyo soo billowday bishii November, 2015-kii.

Bannaan-baaxayaasha Gobolka Oromia, ayaa waxay kasoo horjeedeen qorshe muran badan dhaliyay oo Dowladda Itoobiya ay ku doonaysay inay Caasimada ku ballaariso Laakii way iska diidday Xukuumadda Addis Ababa eedeymahaas loosoo jeediyay.

Sidoo kale, Warbixinta HRW ayaa laamaha Ammaanka ee Itoobiya oo ay ka mid ah yihiin ciidamada Millateriga ku eedeysay inay si baaxadleh u beegsanayeen mudaaharaadayaasha kasoo jeeda Gobolka Oromada.

Gobolka Oromada oo ah kan ugu ballaaran Itoobiya oo dhan ayaa waxay dibad-baxayaasha kasoo jeeda diiddanaayeen in deegaankooda caasimadda lagu soo fidiyo, iyagoo sheegay in taasi ay caqabad weyn ku noqon doonto Beeraldyda Gobolkaas oo ay sheegeen in dhulalka ay wax ka beertaan la qorsheynayo in caasimadda lagu soo fidiyo.

Inkastoo, Xukuumadda Addis Ababa ay dib u dhigtay Qorshahan ay ku doonaysay inay ku ballaariso Caasimadda dalkaas ayaa haddana, waxaa Sannadkan 2016-ka sii socda iska hor-imaadyada u dhexeeya laamaha Amaanka Itoobiya iyo Mudaaharaadayaasha Oromada ah.

“Ciidamada Ammaanka Xukuumadda Itoobiya, waxay si ula kac ah Rasaas ugu fureen dad Mudaaharaadayaal ah, Boqolaal kalena way Xireen, lamana oga Goobaha ay illaa hadda ku hayaan,” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adda HRW.

Hay’adda HRW, ayaa warbixinteedaan ku xustay in in toogasho lagu dilay dad aad u badan oo Nannaan-baxayaal Oromo ah, kuwaasoo ay ku jiraan carruur 10-jirro ah intii ay socdeen isku dhacyadii Ciidanka Amniga Itoobiya iyo Dibad-baxayaasha.

Dhanka kale, Hay’addu ayaa Xustay in dad kale ee iyagana la Xir-xiray ay ku jiraan arday, Suxufiyiin iyo Mas’uuliyiin mucaaradka dalkaas ka tirsan oo caan ah, iyadoo xustay inaan illaa hadda la ogeyn meel ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeyn, Wasiir ka Tirsan Xukuumadda Itoobiya ayaa Warbixinta Hay'adda HRW ku tilmaamay mid aan dhex-dhexaad ahayn, ayna dibad-baxyadaas u sameysay Qiimeyn iyaga u gaar ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya