4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
Muran oo Dhex-galay Xukuumadaha Ankara iyo Washington iyo Obama oo la Hadlay ERDOGAN


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Muran xoogan ayaa Dalalka Mareykanka iyo Turkiga kaasoo ka dhashay booqasho uu 01-dii bishan Feberaayo ku tagay magaalada Kobani oo ku taalla soohdinta Suuriya iyo Turkiga dublamaasi sare oo Mareykan ah.

Xiisaddan ayaa waxaa sii xoojiyay kulan uu Brett MaGruk kula yeeshay Hogaamiyayaasha ururka Kurdish-ka ee xukuumadda Turkiga kula jira dagaallo, kana geysta dalkaas Qaraxyo iyo falal ammaan-darro ah.

Saraakiisha dalka Turkiga ayaa xusay inuu ka careysiiyay kulanka uu Ergeyga gaarka ah ee Madaxweyne, Barack Obama u Qaabilsan dalka Suuriya, Brett McGurk la yeeshay Kooxda Kurdish-ka ah oo Dowladda Turkiga ay u arkaan inay tahay koox ku xiran Ururka PKK.

Madaxweynaha dalka Turkiga, Recep Tayyip Erdogan ayaa isagoo booqashada McGurk ka Careysan ayaa yiri. “Sidee baan Washington ku aamini karnaa, ma waxaa saaxiib idin la ah Aniga, mise kooxaha Argagixisada ah ee ku sugan Kobani.”

Dhanka kale, Wadahadallo Dhanka Taleefoonka ah oo Jimcihii las oo dhaafay dhex-maray Obama iyo Erdogan ayuu Obama ugu Xaqiijiyay Madaxweynaha Dalka Turkiga inay xaq u leedahay inay is-difaacdo, Xilli Erdogan uu walaac ka muujiyay kooxaha Kurdish-ka ah ee kusii siqaya dhinaca Xuduudda ee Magaalada Aleppo.

Ugu dambeyn, taageerada xukuumadda Washington ay siiso kooxda PYD, ayaa xudun u ah muranka u dhexeeya xukuumadaha Washington iyo Ankara, waxaa sidoo kale Mareykanka uu dadaal xooggan ugu jiro inay ka adkaadaan Kooxda ISIS ama Daacish si xukunka looga tuuro Bashar al-Assad-ka Suuriya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya