4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh oo u Ambabaxay Dalka TURKIGA


Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) —Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa maanta u Ambabaxay Magaalada Istanbuul ee Waddanka Turkiga, halkaasoo uu uga Qayb-gali doono shirweyne looga hadlayo arrimaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin habka doorasho ee dalka ka dhici doonta daba-yaaqada sannadkaan 2016-ka.

Wafdiga uu Hoggaaminayo Xasan Sheekh ayaa waxay isugu jiraan Xildhibaanno, Wasiirro iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Somalia, iyadoo Istanbuul ay kaga horreeyeen Wafdi uu hoggaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya , Cumar C/rashiid Cali Shar’amarke.

Sidoo kale, Magaalada Istabuul ayaa waxaa ku qul-qulaya Wufuud kala duwan oo ka kala socda Maamul-goboleedyada Somalia ka jira, iyadoo uu Turkiga gaaray Xubno uu ka mid yahay; Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe].

Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga ayaa lagu wadaa inuu Maanta ka Furmay kulan gaar ah oo looga hadlayo ganacsiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kaasoo ay Wadajir ah u furayaan Ra'iisul Wasaaraha Somalia, Sharma’arke iyo dhiggiisa Waddanka Turkiga.

Ugu dabmeyn, Maalinta berri ah ayaa la filayaa inuu ka furmo Istanbuul kulan ballaaran oo looga hadlayo arrimaha Somalia, kaasoo ay ka qayb-geli doonaan xubno Beesha Caalamka ka socda iyo madaxda Soomaalida.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya