4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 22, 2016
Kulan u socday Hoggaanka Golayaasha Shacabka Dalka oo Muqdisho lagu soo Xiray (SAWIRRO)

Isniin, Feberaayo 22, 2016 (HOL) — Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cusmaan [Jawaari] ayaa Muqdsho kusoo xiray shir u socday Baarlamaannada maamul-goboleedyada dalka ka jira.

Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay xiritaanka kulanka ayaa tilmaamay in Gudoomiyeyaasha baarlamaanada maamul-goboleedya dalka ay isla ogolaadeen qorshayaal fara badan, isagoo dhanka kale ballan-qaaday in guddoonka Baarlamaanka uu wada-shaqeyn la yeelan doono goleyaasha sharci dejinta ee maamul-goboleedyada.

Sidoo kale, Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Galmudug, Cali Gacal Casir, Jubbaland, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan iyo Koonfur Galbeed, C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa iyaguna ka hadlay goobta, waxayna si weyn uga mahad-celiyeen kulanka wada-tashiga golayaasha sharci-dejinta ee Maamul-goboleedyada, iyagoo si wadajir ah u sheegay inay heshiis ay raaceen heshiis is-af-garad oo la xiriira Mabaadii'da hagaya iskaashiga iyo wada-shaqeynta u dhaxeysa Golayaasha sharci-dejinta Somalia.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Baarlamaanka Soalia Jawaari oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in shirkii ugu horreeyey ee Golayaasha Sharci-dejinta Soomaaliya uu ku dhammaaday guul waxaana uu sheegay in uu rajeynayo in Baarlamaannada oo wadajira ay wada saxiixdaan heshiis is afgarad ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya