4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 22, 2016
Shir looga hadlayo Ganacsiga Turkiga & Somalia ka dhexeeya oo ka dhacaya Magaalada Istanbuul

Isniin, Febraayo 22, 2016 (HOL)-Shir looga hadlayo arimaha ganacsiga ee Turkigu la leeyahay Soomaaliya ayaa ka furmaya maanta magaalada Istanbul ee dalkaasi Turkiga.

Masuuliyiin ka socda dawlada Soomaaliyaa ayaa shirkaa ka qeybgalaya iyo weliba masuuliyiin ka tirsan dawlada dalkaasi Turkiga. Waxaa looga hadli doonaa shirkaa maalgaashiga Soomaaliya. Madaxa Xafiiska Ganacsiga ee Safaarada Soomaaliya ee Turkiga ayaa warbaahinta u sheegay in masuuliyiin ka socda maamul goboleedyada Soomaaliya ay iyaguna ka soo qeyb gali doonaan shirkaa.

Shirka oo guud ahaan ku saabsan sidii loo dar dar galin lahaa ganacsiga ka dhexeeya labada dal ayaa ajendeyaashiisa waxaa ka mid ah  qeybta quwada korontada, kalluumeysiga, dhismaha guryaha iyo jidadka iyo weliba bangiyada.

Soomaalida wafuuda shirka uga qeyb galaya ayaa lagu wadaa inay sharraxaan fursadaha ganacsi ee dalka Soomaaliya iminka ka jira oo labada dal ay ka wada shaqeyn karaan ayagoo codsan doona in Turkigu usoo dirsado maalgashadeyaal badan Soomaaliya si qeybaha kala gadisan ee ganacsiga gudaha Soomaaliya ah ay u maal gashadaan.

Waxaa la filayaa inay carrabka ku adkeyn doonaan in Soomaaliya uu yahay dal leh kheyraad fara badan oo dabiici ah isla markaana looga faaiideysan karo in la soo saaro oo dawladaha Soomaaliya iyo Turkiguba dadyowgooda ay uga faaiideyn karaan.

Waxaa la filayaa in markii shirku soo gabagaboobo ay ka soo baxaan natiijooyin wax gal u ah labada dal iyo dadkoodaba.