4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2016
Abaaro Saameyn ku yeeshay dadka iyo duunyada ku Nool Qaybo Badan oo ka mid ah Soomaaliya


Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Deegaanno badan oo Soomaaliya ka mid ah ah, ayaa waxaa ka jira abaaro ba'an oo saameeyay Nolosha Dadka iyo Duunyada. Koonfurta Dalka ayaa meelaha dhibaatada abaartu si aadka ah u saameysay, goobahaas oo ay ka mid yihiin Gobolka Bakool, gaar ahaan degmooyinka Wajid iyo Xudur.

Dad badan ayaa durba ka barakacay deegaanadaa kuwaasoo gaaraya kumanaan gaar ahaan bilihii lasoo dhaafay iyadoo weli laga yaabo in qul-qulkoodu socdo. Illaa haatan waxaa jira barakacayaal xoolihii ka dhammaadeen isla markaana biyo yari ay saameysay ayaa gaaray Xerooyin ku yaalla Magaalada Luuq ee Gobolka Gedo halkaas oo raashin aad u yar oo aan Noloshooda ku filnayn mar-mar ay hay'ado qaybiyaan. Waxaa Xerooyinkaas horay ugu sii jiray dad fara badan oo kasoo cararay abaaro oo ka kala yimid gobolada Baay, Bakool iyo qeybo kale oo ka tirsan Gedo.

Biyo-yari baahsan; ayaa iyadana ka jirta Deegaanka Lego ee Gobolka Shabeelaha Hoose. Waxaa jirta in booyado biyo ay dhaamiyaan biyahaas oo dadka oo dhami aysan awoodin inay booyadaha ka gataan. Roobabkii oo xilliyo badan aan waqtigii la rabay ka di'in dalka Soomaaliya ayaa u sabab ah abaarta iyo biyo yarida jirta.

Waqooyiga dalka abaar ayaa in muddo ah ka taagneyd iyo weliba biyo yari ayadoo weliba roobab mihiigaan ah oo xataa lagu tilmaamay inay yihiin El-nino oo shirkado badan oo caalami ah oo qaabilsan saadaasha hawada ay saadaaliyeen inay dalka ka di'i doonaan dabayaaqadii kal hore ay meelo badan baaqdeen, meelihii ay ka hooreena la sheegay inaysan gaarsiisneyn roobka loo yaqaan El-nino abaartiina ay sii daba dheeraatay. Kumanaan kun oo qoys ayaa abaarta ka jirta Somaliland ay saamaysay ayadoo dhawaan dad sama doon ah ay u aruuriyeen lacag dadkaaa lagu gargaarayo walow aysan dabooli karin baahida jirta.

Gudaha Puntland, abaar ba'an ayaa weli ka jirta  gobolo badan oo ay ka mid yihiin Nugaal iyo Bari. Gobolka Nugaal waxaa maran baraagaha biyaha lagu keydsado maadaama halkaas aysan ka di'in wax roobab ah muddo labo sano ah. Nasiib darro waxaa biyo yareeyay qaar ka mid ah ceelasha biyaha ee gobolkaa. Dad badan ayaa ka hayaamay meelihii ay daganaayeen. Waxaana haatan jirta qeylo dhaan kusaabsan in dadkaa gurmad loo fidiyo.

Dhammaan qeybaha kala gadisan ee dalka ee ay abaartu saameysay, waxaa ku le'day xoolo fara badan kadib markii ay waayeen daaq iyo biyo labadaba halka dad badana ay gaajo baahsan ku habsatay isla markaana ay macaluul qarka u saaran yihiin.

Marka aan u soo laabano koofurta, dhibaatooyinka abaartu ay keentay ayaa waxaa ka mid ah in dumarka abaarta darteed nafaqo darro ugu dhacday oo in badan oo ka mid ah ay dhintaan marka ay dhalayaan maadaama nafaqo darradu u keento inay foosha xamili waayaan iyo dhiigga oo jirkooda ku yaraada. 

Marka ay dhalayaan ayaa waxaa dhacda inay ay dumarku umul raacaan ilmahoodana ay adkaato xataa in la badbaadiyo oo haweenka iyo ilmahuba waxay dhintaan waqtiga foosha. Waxaa suurta gasha in la badbaadiyo ilmo fara ku tiris ah. 

Xafiiska Wararka, Hiiraan Online
Magaalada Nairobi, Kenya