4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
Maamulka Gobolka Hiiraan oo Jawaab ka bixiyay Cabashooyinka Maamulka & Dadka Buula-burte


Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Maamulka iyo Bulshada Degmada Buula-burte ayaa dhawaan ka dalbaday Mas'uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan iyo Saraakiisha Ciidanka Dowladda iyo kuwa AMISOM in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furo jidadka xiran ee soo gala degmadooda.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Hiiraan, Xasan Maxamed Ibraahim [Xassan Kaafi], ayaa sheegay maanta inuu jiro qorshe gaar ah oo ay wadaan saraakiisha Ciidanka DF iyo kuwa AMISOM, dhawaanna la furi doono dhammaan Waddooyinka gala Degmada Buula-burte oo muddo sannado ah sano ay go'doon ku hayeen Xoogag ka tirsan Al-shabaab.

Sidoo kale Afhayeenku wuxuu intaa ku darray in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku guuleysteen dhawaan inay la wareegaan deegaanno dhowr ah oo hoos-taga Degmada Buulo-burte, kuwaasoo markii hore Xoogagga Al-shabaab u ahaa Fariisimo, isla markaana qorshuhu yahay in qeybaha yar ee harsan sidda ugu dhaqsiyaha badan looga saari doono.

“Runtii aad ayeey inoo taabaneysaa dhibaatada heysata shacabka degmada Buula-burte iyo Go'doonka Meelaha Qaar ay ku Hayaan Al-shabaab, Dhawaan Waxaan Rajeynayaa in wax walba caadi ku soo noqon doonnaan,'' ayuu yiri afhayeenka maamulka gobolka Hiiraan.

Dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Dowladda Somalia iyo Al-shabaab dagaal culus ku dhax-maray deegaanka Buur-weyn oo ku dhaw Magaalada Buula-burte, Waxaana Muuqata durbaba Dhaq-dhaqaaqyo inay Ciidanka Dowladda ka billaabeen deegaannada Buulo-burte hoos-taga.

Ugu dambeyn, Inkastoo Shacabka Degmada Buula-burte ku dhaqan ay muddo aad u dheer ka cabanayeen go'doominta lagu hayo, haddana waxaa wax weyn ka beddelay Nolasha iyo Dhaqdhaqaaqa degmada garoonka diyaaradaha dhawaan dib loo howl-galiyay oo ay si toos ah u tagaan Duullimaadyada Diyaaradaha isaga kala goosha Muqdisho iyo Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya