4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
Dacwada Wiil 13-sano jir ah oo la isku Haysto oo ka Furantay Maxkamadda degmada Laascaanood


Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Maxkamadda degmada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa waxaa saakay ka furantay Dacwad ay isku haystaan saddex qoys oo wiil da’diisa lagu sheegay intay tahay 13-jir oo uu Gacanta ku hayay Muddooyinkaan Xog-hayaha Dowladda Hoose ee Dagmada Laascaanood, Cabdi Khayre Dirir.

Dacwada ayaa loogu gar-qaadayaa qoysaskan oo wada sheeganaya wiilkaan oo magaaciisa lagu sheegay Farxaan, laguna naanayso Xiddig uusan haba-yaraatee garanayn waalidkii oo muddo toban sanadood ah ka maqnaa.

Farxaan Xiddig oo muddo afar bilood ah ku sugnaa degmada Laascaanood ayaa la sheegay inuu ku Bar-baaray Magaalada Boosaaso, uuna muddo yar ka hor ogaaday inuu u dhashay Deegaannadan, lagana qaatay markii hore duleedka Laascaanood isagoo aan wax garaad ah lahayn.

Xoghayaha Dowladda Hoose ee Laascaanood, Cabdi Khayre Dirir ayaa sheegay in Wiilkan la keenay saldhiga dhexe ee degmada oo lala soo Xiriiray, sidaasna uu mas’uul uga noqday tan iyo inta laga helayo waalidkii, isagoo xusay inay mas’uuliyadi ka saaran tahay sidii loo baadi-goobi lahaa Waalidkii dhalay Farxaan Xiddig, ayna Maxkamadda Laascaanood Gabi ahaan Qoysaska isku haysta Wiilkan yar ay weydiin doonttaa Cadaymaha ay u haystaan.

Ugu dambeyn, Dacwada Faxaan Xidig ayaa aad looga hadal-hayay xilliyadii u dambeeyay, iyadoo ay baadi-goob u galeen dadka qaarkood sidii ay u soo arki lahaayeen wiilkan oo ay wax u wadiin lahaayeen; iyadoo aanay caddeyn sidii loo qaatay ilmahan, isla markaana loo weydaariyay qoyskiisii.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online.
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool