4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
Shirkadda Hadiid Industrial oo Maanta Qaaday Imtixaan ay ku Qaadanayso Shaqaale (SAWIRO)

Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Xaflad lagu daah-furayey imtixaan ay shaqaale cusub ku xulanayo shirkadda Hadiid Industrial kaasoo lagu qabtay Muqdisho, waxaana xafladdan ka qayb-galay mas’uuliyiin ka socda Rugta Ganacsiga, Hay’ada Iftin Foundation iyo marti-sharaf kale.

Xafladdan ayaa waxaa ugu horreyn ka hadlay Guddoomiyaha Shirkadda Hadiid Industrial, Cabdi Shakuur Aadan [Darwiish] oo faahfaahin ka bixiyay waqtigii la Aasaasay Shirkadda iyo ujeeddada ay Shirkadoodu u Qaadanayso Shaqaale iyo Cidda Qaadaysa Imtixaanka.

“Waxaa Shirkadda Hadiid Industrial la Aas-aasay Sannadkii 2009-kii; Waxayna ka kooban tahay Shan qaybood oo kala ah; Aluumiiniyamka, Alxanka culus iyo midka fudud, qalabka Xafiisyadda, Dhameystirka Guryaha iyo Abuuridda Dugsi lagu tababaro dhalinyarada si ay u helaan Xirfado,“ ayuu yiri Guddoomiyaha Shirkadda.

Isagoo sii hadlayay ayuu intaas ku daray. “Imtixaanka Shirkadu qaadayso maanta Waxaa u Fariisanaya 47-qof, oo u kala ah Suuqeyn iyo Xirfadlayaal, Waxaana Imitixaanka qaadaya Shirkad ka madax-bannaan Shirkaddeena oo lagu magacaabo Anfac, si meesha looga saaro Wax kastoo Tuhun ah, iyaga ayaana Imtixaankaan soo saxaya, Waxayna Shirkadda  Hadiid Industrial ay doonaysaa 25-ruux oo aan u sameynayno shaqo abuur.”

Sidoo kale, waxaa munaasabada ka hadlay Shuceyb C/qaadir Macallin oo Rugta Ganacsiga ka socday isagoo bogaadiyay Imtixaanka Shaqo abuurka ah; isagoo ugu baaqay Shirkadaha kale ee Soomaaliya in ay ku daydaan Shirkadda Hadiid Industrial si Dhallinyaro fara badan oo maanta Shaqo la’aan ah u helaan shaqo.

Waxaa kaloo ka hadlay madasha C/qaadir Macallin Maxamed isna oo ka socday  Hay’adda Iftin Foundation isagoo ka Mahad-celiyay, isagoo intaas kaddib xusay in Shirkadda Hadiid Industrial ay qaaday Tallaabo loo baahnaa oo kusoo beegantay Xilligii la rabay, Maadaama maanta ay shaqo la’aan yihiin dhallinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Waxaa munaasabada ka hadlay Maxamed Khadar Xasan Seed oo ka socday Shirkadda qaadaysa Imtixaankan, isagoo Xusay in aysan ahayn markii ugu horreysay ee ay shirkadooda qaado imtixaan noocan oo kale ah ay horay u qaadeen, ayna sida ugu dhaqsiyo badan ay u soo bandhigayaan Natiiijooyinka Imtiixaankan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya