4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
SAWIRO: Gaadiidleyda gobolka Sool oo Shaqadii u Joojiyay Canshuuro Cusub oo lagu soo Rogay


Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Gadiidlayda ka Hawlgala Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool ayaa Maanta ku dhaqaaqay Shaqa joojin Guud, kaddib markii ay sheegeen in Dowladda Hoose ee Laascaanood ay kusoo rogtay cashuur dheeraad ah.

Qaar ka mid ah Gaadiidleyda ayaa HOL u sheegay in ay ku ballameen inaysan wax shaqaa qaban; illaa ay Dawladda Hoose dib uga laabanayso Cashuurta ay kusoo rogeen lacag dhan 50,000 oo Shillin booyaddii biyaha macaan ah ee ay soo dhaamiso booyadda.

Sidoo kale, Maxamed Amed Cashuur ayaa isagana xusay inay tacadi u arkaan Cashuurtaan cusub ee lagu soo rogay, isagoo sheegay in ay horay u jirtay Cashuur lix Bilood ah oo laga qaado Dhammaan Gaadiidleyda Gobolka Sool, laakiin Cashuurtan cusub ee lagu soo rogay aysan ahayn mid sababta loogu soo rogay, aysanna ugu jirin wax macaash ah.

“Innaga iyo shacabka aanu ka gadayno Biyaha Macaan oo aanu Barkadaha ka soo iibsano, shidaalna uu nagu baxayo wax faa’iido ah nooguma jirto,” ayuu intaas ku daray Maxamed Axmed Canshuur oo la hadlay HOL.

Dhanka kale, bannaan-baxan ay isgu soo baxeen dhammaan gaadiidleyda biyaha qaada iyo iska-ragayaasha Gobolka ka shaqeeya ayaa imaanaya iyadoo Xaaladp abaareed oo baahsan ay ka jiraan dhammaan Deegaannadaan oo ay yaraadeen Biyaha ku habboon cabitaanka oo gabi ahaan baaanka looga soo dhaamiyo degmada Laascaanood goobahaas uu ugu sokeeyo deeganka Saax-dheer oo qiyaastii ka xigta Laascaanood 75-km dhinaca Galbeedka.

Ugu dambeyntii, Dibadbaxan oo si wayn looga dareemayay magaalad ayaa walwal galiyay Shacabka, iyadoo ay Biyaha Magaalada laga Adeegsado ay yihiin kuwa ay Booyaduhu soo dhaamiyaan, oo aysan jirin wax biyo-galin ah oo ka jirta Gobolka Sool, waxaana cabsi laga qabaa inay kordhaan Qiimah biyaha shacabku cabaan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool