4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
Puntland oo qaadacday Isbedelkii lagu sameeyay Cutubyo Dastuurka Somalia ka mid ah (Akhriso)

Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Puntland ayaa maanta War-sxaafadeed kasoo saartay wax ka bedelka lagu sameeyay Dastuurka Somalia, kaasoo ay ku sheegeen inaysan qayb ka ahayn wax-ka-bedelka dowladda Soomaaliya ay ku sameynayso 10 cutub oo ka mid ah 15-ka cutub ee Dastuurka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa War-saxaafadeedkeeda ku sheegtay inaysan raalli ka ahayn wax-ka-bedelidda ay guddiga Dastuurka Somalia ku sameeyeen cutubyada 4-aad, 5-aad, 12-aad iyo 13-aad, waxayna sheegeen in Cutubyadan Wada-tashi oo keliya wax looga bedeli karo.

Sidoo kale, Puntland ayaa War-saxaafadeedkeeda ku xustay in wax-ka-badalida Dastuurka Soomaaliya ay horseedi karto hilaaf hor leh oo sii fogeeya baadi-goobka loogu jiro Dowlad Soomaaliyeed oo Sal adag.

War-saxaafadeedka oo aad u dheera ayaa waxay ku xustay in qodabka 49-aad ee Dastuurka Somalia oo ka Hadlayay Xudduudaha Degmooyinka iyo Sharciyada Cidda Maamul Noqon karta lagu sameeyay is-bedel iyo wax-ka-saaris, si ayay yiraahdeen aan ka fiirsasho lahayn.

HADABA; Akhriso War-saxaafadeedka ay Puntland soo Saartay Axadda Maanta ah;


Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya