4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
SAWIRRO: Munaasabad lagu Xusayay Afka Hooyo oo Maanta lagu Qabtay Magaalada MUQDISHO

Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Xaflad lagu Xusayay Maalinta Afka Soomaaliga ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin dowladda Federaalka Somalia ka tirsan oo uu ka mid ahaa; Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya C/llaahi Axmed Jamac [Ilka Jiir]; ahna Ku-simaha Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xubno ka tirsan Wasiirrada Xukuumadda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Wasiirka Cadaaladda  Somalia, C/llaahi Ilka-jiir ayaa ugu horreyn Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay maalinta Qiimaha badan ee Afka Hooyo, isagoo xusay in Dowladda FS oo Kaashanaysa Hay’adaha Dalka ay diyaar u yihiin Xoojinta Afka Soomaaliga, iyadoo si gaar ah loo Tix-gelinayo Muhiimadda afka hooyo u leeyahay waddanka iyo sida u wax uga tari karo horumarka iyo adkeynta midnimada.

“Afka Hooyo [Af Soomaaliga] Wuxuu xambaarsan yahay Taariikh, Dhaqanka iyo Hiddaha ay ummaddeennu ku faani karto ama horumar ku hiigsan karto. Markaad eegto waddamada Caalamka ee horay u martay, Midkoodna heer kuma gaarin luuqad shisheeye, waa inaan ku faannaa Afkeenna, Xiriirkeenuna uu noqdaa Afka Hooyo ee aanu leennahay,” ayuu yiri ku-simaha RW Somalia, C/llaahi Ilka-jiir.

Ugu dambeyn, Maanta oo bishaan Feberaayo ay ku beegan tahay 21, ayaa Somalia oo dhan laga xusayaa Maalinta Afka hooyo, Waxana Munaasabadda Maanta hal-ku dhiggeedu ahaa (U HIILI AFKA HOOYO), iyadoo Luuqadda Afka Soomaaliga Waqtigii la qoray ay ahayd Sannadkii 1972-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya