4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
Kizze Besigye oo qaadacay Natiijadii Doorashada Uganda iyo Museveni oo dabaal-dagay (SAWIRO)

Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Murashaxa Mucaaradka Uganda ugu weyn ee Kizze Besigye ayaa qaadacay natiijadii kasoo baxday doorashadii Khamiistii ka dhacay Uganda, isagoo Natiijada Guddiga Doorashooyinka ku dhawaaqeen ku tilmaamay mid ku dhisnayd Musuq-maasuq.

Yoweri Kaguta Museveni oo markii shanaad ku guuleystay doorashooyinka madaxnimo ee ka dhacday Uganda, ayaa isagana dhankiisa wuxuu u dabaal-dagay maanta oo Axad ah dib u doorashadiisa iyo guushii uu ka gaaray doorashadii Khamiistii dhacday.

“Waxaan goobjoog ka nahay in natiijada doorashadu ay ahayd mid la been-abuuray oo aan cadaalad ku fadhin,” ayuu yiri Besigye oo xabsi-guri ku jira, isagoo ku baaqay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo natiijada doorashada laga soo saaray.

Besigye oo sii hadlaya ayaa intaas ku daray. “Maanta oo aan xabsi guri ku jiro; waxaan ku dhawaaqayaa in aanan Aqbalin Natiijadii Doorashada ee ay shaaciyeen guddiga doorashaa. Waxaana Beesha Calaamka ugu baaqayaa inaysan aqoonsan natiijada doorashada laga soo saaray.”

Sidoo kale, Kizze Besigye ayaa wuxuu hadalkiisa ku daray in sababta loo xiray ay ahayd in uusan aqbali doonin natiijada doorashada kasoo baxda, taasoo uu ku tilmaamay mid la sad-bursaday.

“Xukuumadda keli-taliska ah ma Guuleysan karto; haddii aysan Wada-shaqeyn naga helin. Marka waa inay noo cadeeyaan inay doorashada xatooyo ku sameyeen, haddii kale waxaan joojinaynaa wada-shaqeynta aan la leenahay,” ayuu Besigye mar kale ku yiri hadalkiisa.

Guddiga Doorashooyinka Uganda ayaa Sabtidii shalay ahayd sheegay in Museveni uu ku Guuleystay Doorashada, uuna helay in ka badan 50% codadkii laga dhiibtay Doorashadii Uganda ka dhacday, iyagoo intaas ku daray, in Kizze Besigye oo kusoo xigay uu helay in ka badan 35% codadkii doorashada.

Dhanka kale, Madaxweyne Museveni oo 70-jir ah ayaa Axadda Maanta ah u dabaal-dagay Guusihii uu ka gaaray Doorashada, isagoo soo Xukumayay Dalkaas muddo 30-kii Sano ah, Wuxuuuna qaar ka mid ah Taageerayaashiisa u sheegay in uu ku faraxsan yahay inuu guul weyn ka gaaro doorashadii dhacday.

Yoweri Museveni oo kasoo jeeda qoys xoolo-dhaqato ah oo deegaan ku yaalla Galbeedka dalka Uganda ku nool, ayaa wuxuu socod ku maray deegaankaas, isagoo lo’ fara badan oo uu leeyahay dhex-lugeynaya.

Ugu dambeyn, Kormeerayaasha Caalamiga ah ee la socday Doorashadii ka dhacday Dalka Uganda ayaa dhaliilay sida ay u dhacday doorashada, iyagoo xusay in doorashadaan aysan ahayn mid buuxin karta shuruudihii looga baahnaa doorasho Dimuqraadi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya