4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 21, 2016
Musharraxa Donald Trump oo Guul ka Gaaray Doorashadii JAMHUURIGA ee South Carolina


Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Ninka ugu cadcad xisbiga Murashaxiinta Jamhuuriga Donald Trump ayaa Guul weyn ka gaaray Doorashadii Tijaabada ahayd ee Gobolka South Carolina uu xisbigiisu ku yeeshay xalay.

Senetor-da Xisbigan, Ted Cruz iyo Marcc Rubbio ayaa ku loollamay Kaalinta Labaad. Jeb Bush, waa Goerge W Bush walaalkii ayaa isagu ka haray tartanka markii uu wax natiijo ah oo wanaagsan ka keeni waayay. Dhanka xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxaa iyana weli ugu horeysa haweeneyda lagu magacaabo Hillary Clinton, iyadoo ka guuleysatay oo ka qaaday Bernie Sanders Doorashada tijaabada ahayd ee Xisbigoodu ku qabtay gobolka Navada isla xalay.

Habeenkii Xalay ayaa ahaa habeen sare u qaaday hammiga siyaasiyiinta ku kala guuleystay Doorashooyinka Tijaabada ah ee labadan xisbi ku kala qabteen Navada iyo South Carolina. Waxaase niyad-jab ka qaaday Siyaasiyiinta Labadaan Xisbi ee iyagu ku dhacay ama looga qaaday Doorashadaas - Inkastoo ay in badan ku Taammayeen in ay mar un Qabtaan Jagada madaxweynenimada ee Mareykanka. 

Murashaxiinta loolanka ka haray dadkii u codeyn lahaa ayaa dadka siyaasada qaadaa dhiga ay sheegayaan inay u badan tahay inay u codeeyaan isla murashaxiinta haray ee xisbiyada. Sidaa daraadeed Jeb Bush maadaama uu ka haray loollanka waxaa loo badinayaa in dadkii codka siin lahaa ay siiyaan murashaxiinta kale ee kala ah Ted Cruz iyo Marcc Rubbio.

Maalinta Salaasada ah ee ugu horeysa bisha fooda inagu soo heysa ee Maarso ayaa waxaa sidoo kale dhici doona Kulammo Noocaan oo kale ah - oo lagu Samaynayo Doorashooyin tijaabo ah oo kale. Waxaa maalintaa lagu magacaabaa, 'Supper Tuesday'.

Hase ahaatee, Intaanba waqtigaas la gaarin ayaa Talaadada soo socota Xisibiga Jamhuuriga Waxaa loo Qaban doonaa Kulan Xaafadeedka Navada si Musharraxiinta Xisbigaasi u kala haraan. Maarso 1deeda oo ah maalinta Salaasada ah ee loo bixiyay 'Supper Tuesday' waxaa codeyn tijaabo ah samaynaya illaa 11 Gobol. Tartammadaa ayaa Waxaa laga ogaan doonaa Murashaxa xisbi walba ugu codad badnaan doona.

Hiiraan Online, News Desk