4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Feb 21, 2016
Goobjoogayaasha Beesha Caalamka oo Dhaliilay Doorashooyinkii Khamiistii ka Dhacday Uganda

Axad, Feberaayo 21, 2016 (HOL) — Doorashadii ka dhacday Dalka Uganda ee uu markii Shanaad ku guuleystay Madaxweynaha Uganda, Yoweri Kaguta Museveni ayaa ahayd tii ugu adkeyd ee soo marta dalkaas tan iyo markii uu xorriyadiisa qaatay sannadkii 1962-kii.

Kor-joogayaash doorashadan ee caalamka ka socday ayaa dhaliilay Qaabkii ay ku dhaceen doorashooyinkii Uganda, iyagoo sheegay inay jirtay intii doorashadu socotay Wax is-daba-marin weyn iyo cadaadisyo lagu hayay mucaaradka qaybta ka ahaa doorashada.

Madaxweynihii hore ee dalka Nigeria Olusegun Obasanjo oo Hogaaminaya kormeeryaasha caalamka ka socday ayaa ku tilmaamay in doorashooyinkii dalka Uganda ka dhacday aysan buuxin shuruudihii rasmiga ahaa ee looga baahnaa doorasho ku dhacda si dimuqraaddi ah.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Uganda, Badru Kiggundu ayaa 4:00 galabnimo ee shalay si rasmi ah ugu dhawaaqay in doorashada uu ku guuleystay Madaxweynaha dalkaas xukuma Yoweri K. Museveni.

Dastuurka Dalka Uganda ayaa dhigaya in Natiijada Doorashada lagu dhawaaqo muddo 48-Saacadood Gudahood ah, taasoo ku beegnayd 4:00 Galabnimo ee Sabtidii shalay, waxaana hoggaamiyaha kusoo xiray Museveni uuna kala dhexeeyo loolalanka adag uu helay 35% codadkii la dhiibtay.

Xisbiga FDC ee uu hoggaamiyo Kizze Besigye ayaa si aad ah uga soo horjeestay natiijada ay ku dhawaaqeen guddiga doorashooyinka Qaranka Uganda, iyagoo ku tilmaamay mid aan cadaalad ahayn.

Besigye oo gurigiisa xabsi ku ah ayaa waxaa toddobaad keliya la xiray saddex jeer oo isku xirta, taasoo middii ugu dambeysay ay ahayd markii xafiiskiisa Kampala ay ka qabteen booliiska.

Guusha uu markii shanaad helay Madaxweyne Yoweri Moseveni ayaa waxay ka dhigan tahay inuu dalkaas sii hoggaamin doono sannado kale, isagoo horay u soo xukumayay 30-sano, kaddib markii uu awood ciidan ku qabsaday 1986-kii.

Sidoo kale, Ciidamada Uganda ayaa waxay ku lug leeyihiin Howlgallo Nabad-ilaalin ah oo ka hayaan dalal ku yaalla Afrika, kuwaasoo ay ku jirto Somalia iyagoo ah ciidamada ugu badan ee howlgalka AMISOM.

Afhayeenka Millateriga Uganda, Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in guusha uu mar kale guuleystay madaxweyne Museveni ay ka dhigan tahay in Somalia ay ka mid tahay dalalka heli doona caawinaadda Uganda, ayna ciidamadoodu Somalia ka sii shaqeyn doonaan.

Ugu dambeyn, doorashada Museveni ayaa waxaa weli ka taagan muran weyn oo ku aaddan codadka uu helay, iyadoo Axsaabta mucaaradka ah ay sheegayaan in doorashada la musuq-maasuqay, inkastoo xukuumaddu aysan weli eedahaas wax jawaaba ah ka bixin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya