4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Xukuumada Somaliland oo Maanta ka hadashay xayiraadii duulimaadyadii ay Somalia Joojisay


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa maanta si adag uga Hadashay Xayiraaddii ay Dowladda Somalia ku soo Rogtay Duullimaadyadii isaga gooshi jiray Magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, kaddib markii Dowladda Soomaaliya ay ku eedeeyeysay Somaliland inay u dhaqmayso sidii waddan ka madax-banaan Somalia inteeda kale.

Wasiir ku-xigeenka Amniga ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, ayaa sheegay in aanu khusaynin go’aanka dowladda Soomaaliya.

“Waa hawl u taalla Soomaaliya, annagu shuruuc baanu soo saarnaa Shuruucdaasina waxay sheegaysaa inaanu laba wadan kala nahay in si sharci ah loo soo galo si sharci ahna loosoo noqdo Sida; Waddamada Jabuuti iyo Itoobiya haddii ay iyagu dadka kala Xayirayaan oo ay ka go,an tahay inaanu kala xirano waa hawl iyaga u taalla annagaaba jecel,” ayuu wasiir ku xigeenka Amniga oo u waramay Idaacadda VOA-da yiri.

Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Guddaha, Maxamed Muuse Diiriye, wuxuu intaa ku daray. “Annagu qorshaheenii hore ayaan wadanaa haddii ay soo celinayaan iyaga ayay u taala ninka reer Somalia ah ee passport sitaa waa uu ku noqon dalkiisi kii aan hore u haysan ee aanu go home wuu tagi ka reer Somaliland ee Passport kii Somaliland ku tagaya waanu siinaynaa haday soo celinyaan iyaga ayay u taalla.”

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo Taliyaha Waaxda Socdaalka iyo Jindisyada Somalia, Jen. C/laahi Gaafoow Maxamuud uu maanta ku dhawaaqay inay ku wargeliyeen shirkadaha ka shaqeeya duulimaadyada inay joojiyaan daba-yaaqada bishaan Federaayo duullimaadyadii ay rakaabka ugu qaadi jireen magaalada Hargeysa.

Dhinaca kale, Ciidamada Booliska ayaa maanta Xabsiga u Taxaabay Ganacasadaha Cumar Caydiid oo ka mid ah ganacsatada Somaliland.

Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid ayaa lala Xiriirinayaa, kadib markii uu dib u soo laba kacleeyay murankii ka dhashay Tiyaatarka Magaalada Hargeysa oo uu dhismihiisa waday Ganacsade Cumar Caydiid oo xukuumaddii Daahir Rayaale ka iibiisay, waxaana Cumar Caydiid ka hor yimid qayb ka mid ah Taayarka oo xukuumadda Siilaanyo siisay qof kale oo muwaadin ah, waxaanu ganacsadahani ku dooday in dhulkan la siiyey muwaadinkaas kale tahay qaybtii Baarkinka u noqon lahayd dhismihiisa.

Illaa hadda kama hadal Xukuumaddu Somalialnd Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]                                
Hargeysa, Somaliland