4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Eedeymo culus oo loo jeediyay Philip Tunoi oo Madax ka ah Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya

Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Garsooraha Maxkamadda sare ee Kenya, Philip Kiptoo Tunoi, ayaa lagu eedeyay inuu lacag dhan 2 Milyan oo Dollarka Mareykanka ah oo u dhiganto 200 oo Milyan oo lacagta Kenya ah uu ku qaatay dhageysiga Kiis maxkamada la geeyay.

Garsooraha, ayaa eedeyntiisa waxey timid kadib markii la soo bandhigay lacago badan oo uu qaab laaluush ah ku qaatay, kuwaasoo qaarkood la sheegay inuu ka helay siyaasiyiin hada xil haayo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Kenya Dr Willy Mutunga oo ka hadlaayay fadhi gaar ah oo ay yeesheen Golaha Adeegga Garsoorka Kenya ee magacooda loo soo gaabiyo (JSC) Judicial Service Commission, ayaa amray in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyo eedeymaha dacwadaha musuq-maasuqa la xiriiro ee loo jeediyay Garsoore Philip Tunoi.

Dr. Mutunga waxa uu xaqiijiyay inuu helay warqad Dhaar ah oo ka timid wariye lagu magacaabo Geoffrey Kiplagat oo markii hore shaaca ka qaaday eedaynta loo haysto Garsooraha Maxkamadda Sare.

Geoffrey Kiplagat oo horay oga soo shaqeyay mid ka mid ah Idaacaddaha ku yaalla Nairobi, ayaa dhawaan wuxuu soo saaray eedeyn ku saabsan lacago badan oo uu Garsoore Philip Tunoi ka helay Guddoomiyaha Nairobi Dr Evans Kidero. Xilligii ay dhaceysay doorashadii loogu tartamaayay xilka Guddoomiyaha gobolka Nairobi ee Kidero uu la galay siyaasiga Ferdinand Waititu oo hada ah Xildhibaanka deegaanka Kabete.

Dhanka kale Ahmednasir Abdullahi oo ah Qareen caan ah oo inta badan laga yaqaano wadanka Kenya, ayaa sheegay in wadarta lacagta uu qaatay Garsooraha ay tahay 300 oo Milyan halka horay loo sheegay in 200 oo Milyan oo lacagta Kenya ah uu musuq-maasuq ku helay.

Ugu dambeyn, Garsoore Philip Kiptoo Tunoi waa qareen Kenyan ah oo madax ka ah Maxkamadda Sare ee Kenya, sidoo kale wuxuu Madaxweyne ku xigeen ka yahay Maxkamadda Cadaaladda ee bariga Afrika.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
[email protected] | [email protected]
Nairobi – Kenya