4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Dowladda Kenya oo sheegtay inay soo iibsatay Gaadiid Gaashaaman oo Casri ah (SAWIRRO)


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa soo gadatay Qaar ka mid ah Baabuurta Gaashaaman ee Dagaalka, kuwaasoo ay Ciidamadii ku Hawl-geli doonaan wixii hadda ka dabeeya, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Kenya.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo ka hadlay xaflad lagu soo bandhigay gaadiidkan ayaa sheegay inay Ciidanku u adeegsan doonaan ka hortagga Weerarro walba oo Suuro-gal ah oo kaga yimaada Al-shabaab, ayna ku difaaci doonaan xuduudaha dalkooda.

Sidoo kale Kenyatta yaa gaadiidkan gaashaaman; wuxuu ku tilmamaay inay ka yihiin qayb horumarinta Ciidamadooda Qalabka sida, isagoo xusay inay Qaarkood Adeegsan Doonaan ciidamada booliiska Kenya.

“Gaadiidkan inaan soo iibsanno waa mid muhiim ah oo waji cusub u furi doonta ciidamada qalabka sida; Wayna socon doonaan illaa inta Xadka Kenya ay amni ka noqonayaan,” ayuu hadalkiisa ku daray madaxweynaha Kenya.

Ugu dambeyn, ciidamada Kenya ayaa qayb ka ah Hawl-galka ciidamada AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya; iyadoo dhawaan ay Al-shabaab Cidammo badan oo Kenyan ah ku dishay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo.

Si kastaba ha ahaatee lama oga Waxay Gadiidkan cusub ee Dagaalka ka beddeli doonaan Weerarrada ay Al-shabaab ka geysato Gudaha Dalka Kenya, iyadoo ku dishay weerarro ay ka geysatay Kenya Boqolaal ruux oo isugu jira rayd iyo askar ka tirsan Ciidamada Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya