4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 2 , 2016
Madaxweynaha Somalia oo dib ugu soo Laabtay Muqdisho kaddib Shirkii 26 ee Midowga Afrika


Talaado, Feberaayo 02, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu kasoo qaybgalay shir-madaxeedkii 26-aad ee ururka Midowga Afrika, kaasoo lagu qabtay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu ka jeediyay shir-madaxeedka, ayaa ka Warbixiyay halka ay marayso xaaladda dalka, dhinacyada siyaasadda, amniga iyo hannaanka doorashooyinka dhici doona sannadkan 2016-ka.

Waxaa kaloo uu madaxweynaha intii uu joogay Addis Ababa guddoomiyay, shir madaxeed ay isugu yimaadeen dalalka Bariga Afrika ee xubnaha ka ah Taliska Ciidamada heeganka ee Waddamada Bariga Afrika, iyadoo kulankaasina looga hadlayey xasaradda ka aloosan dalka Burundi.

Sidoo kale, kulammadii ugu muhiimsanaa ee madaxweynuhu la qaatay madaxda caalamka intii uu socday Addis Ababa, waxaa ka mid ah; Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Madaxweyna Masar, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo xubno kale dublamaasiyiin ah.

Madaxweynaha & wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha ee Muqdisho kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Somalia, Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan labada gole.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya