4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
Kulan la xiriira Amaanka Gobolka oo dhexmaray Madaxweyne Xasan iyo RW Itoobiya (SAWIRRO)


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Itoobiya, Haile Mariam Desalegn ayaa maanta kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Addis Ababa ee Xarunta Dalka Itoobiya.

Kulankan ayay labada hoggaamiye kaga hadleen xiriirka labada dal, iskaashiga dhinacyada Ammaanka, Dhaqaalaha, Arrimaha Bulshada iyo Kobcinta Kaabeyaasha Dhaqaalaha.

Dhanka Amniga Gobolka ayaa waxay labada hoggaamiye hoosta ka xariiqeen muhimadda isku-dubaridka hawlgalka AMISOM ee Somalia iyadoo bishan dhamaadkeeda ay madaxda dalalka ay ciidamada ka joogaan Somalia, kulan ku yeelan doonaan magaalada Jabuuti.

Sidoo kale, madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Somalia oo haatan kasoo kabsanaysa colaado muddo dheer kasoo socday, ayna diyaar u tahay inay iskaashi iyo wax wada-qabsi buuxda la yeelato dalalka gobolka.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa isagana xusay inuu ku faraxsan yahay horumarka dhanka Siyaasadda ee Somalia, Dalkiisuna uu doonayo inuu Arko Somalia oo si buuxda u soo kab-satay, gobolkana kala shaqeysa amniga, la-dagaalanka argagaxisada, iskaashiga dhaqaalaha iyo Adeegyayada kale ee horumarinta.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh iyo R.W. Itoobiya, Haile Mariam Desalegn ayaa waxay kaloo ka wadahadlay kulan Madaxeedkii shalay dhamaaday ee Midowga Afrika, oo laga soo saaray Go’aano wax looga qabanayo Xasaradaha Qaaradda ka jira iyo Ajandayaal ku saabsan horumarka Afrika.

Ugu dambeyntii, Kulankaan waxaa goob-joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka kala Socday labada dhinac, wuxuuna ku soo dhammaadey jawi is-af-garad leh.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya