4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Feb 1 , 2016
Dowlada Somalia oo loogu baaqay inay dhameys-tirto Maamulka Hiiraan iyo Sh. Dhexe (SAWIRO)


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Wasiirada Arrimaha Dibadda urur-goboleedka IGAD ayaa ugu baaqay dowladda Somalia inay dhameystirto maamulka loo sameynayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Inkastoo ay Qaadaceen ka Qayb-galka Shirka lagu dhisayo Maamul-goboleedkaas odayaasha-dhaqanka ee uga qaybgalayay Gobolka Hiiraan.

Odayaasha-dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa kasoo Hor-jeestay shirka Jowhar ee la doonayo in Maamulka loogu dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe; iyagoo ku eedeeyay Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh uu jabiyay balamadii la xiriirtay ka qayb-galkooda Shirkaas.

Sidoo kale, IGAD ayaa ku sheegtay War-saxaafadeed kasoo baxay Shirkoodii 55-aad ee ay ku yeesheen Sabtidii magaalada Addis Ababa ee xarunta Itoobiya; inay ugu baaqayaan DF Soomaaliya inay soo gunaanado wadahadalka dib u heshiisiinta ah ee u dhexeeya maamul-goboleedka Galmudug & Ahlusunna Waljamaaca.

Waxay kaloo wasirada IGAD ammaaneen dowladda federaalka Somalia dadaalka la xiriira dib u habeynta maamulka maaliyadda dadweynaha ee dhanka amniga, iyagoo ku boorriyay Dowladda Somalia inay fuliso talaabooyinka la xiriirta Taageerada Beesha Caalamka ee ku wajahan arrintan.

“Bixitaanka ciidamada AMISOM iyo xoojinta Ammaanka gobolka, waxay ku xiran tahay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ay Awood ugu yeelato dhismaha ciidamadeeda amiga iyo hay’adaheeda dowliga ah.

Dhanka kale, Wasiirrada Arrimaha Dibadda Urur-goboleedka IGAD ayaa waxay War-mur-tiyeedkooda ku xuseen in loo baahan yahay in la dhiso Kooxo kawada shaqeeya ammaanka gobolka oo u dhexeynaya Soomaalia iyo dalalka dariska la ah iyo in la dhiso koox si joogto ah uga wada-hadla ammaanka gobolka oo dhan si looga hortago khataraha iyo caqabadaha dhanka Ammaanka.

Kooxda xiriirka la leh Al-Qaeda ee Al-shabaab oo Dagaal kula jirta Dowladda Somalia iyo Ciidamada Midowga Afrika ee gacanta siinaya ayaa weli awooda inay sii wado weerarrada ay ka geysanayso gudaha Soomaaliya iyo meelaha ka baxsan.

Ugu dambeyn, Al-shabaab ayaa waxay Weerarro badan ka geysatay Dalka Kenya, kuwaas oo ay ku sheegtay in ay yihiin kuwo uga Aar-gudanayaan Kumannaanka Askarta ah ee ay Somalia u soo direen Sannadkii 2011-kii, iyadoo ciidamada Kenya ay ku jireen ciidamadii Al-shabaab ka saaray magaalada Dekedda leh ee Kismaayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya