4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 1 , 2016
QM: Ciidanka Nabad-ilaalinta Midowga YURUB Xad-gudubyo ayay ka geysteen Bartamaha Afrika


Isniin, Feberaayo 01, 2016 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa shaacisay inay heshay mar kale eedeymo cusub oo ku saabsan xad-gudubyo ka dhan ah Xuquuqda Aadanaha oo ay ku kaceen ciidankii nabad-ilaalinta Midowga Yurub ee EUFOR ee Hawlgalka u joogay Dalka Bartamaha Afrika.

Warbixinta QM ayaa lagu sheegay in gabodho ay da’doodu u dhexeyso 14 illaa 16 sano ay ciidamada ka socda dalka Gerogia ee Qaybta ka Howl-galka Nabad-ilaalinta ee EUFOR ee Bartamaha Afrika.

Sidoo kale, ciidamada Faransiiska ee iyaguna qayb ka ah howlgalka ayaa waxaa la sheegay inay Xad-guduyo u geysteen Gabar Toddoba sano jirta iyo sagaal wiil ay kula kaceen Xad-gudubyo kufsi ah.

Ciidankaas ka socda Midowga Yurub ayaa waxaa waddankaas loo geeyay sidii ay u soo af-jari lahaayeen colaada u dhexeeya Muslimiinta iyo Masiixiyiinta xukunka waddankaas isku hayay sannadihii lasoo dhaafay.

Dagaallada u dhexeeyay Maleeshiyooyinka Muslimiinta & Kirishtaanka ah ayaa billowday Markii Xoogagga Muslimiinta ah ay xukunka ka tuureen Sanadkii 2013-kii madaxweynihii Jamhuuriyaddaas oo Kirishtaan ahaa, taasoo keentay inay ka gadoodaan kooxda Masiixiiga ah, halkaasna ay ka dhacaan dagaallo ay dad badani ku Naf-waayeen.

Xad-gudubyadaan Kufsiga ah ayaa waxay ka dhaceen kaam ay daggan yihiin Barakacayaal oo ku yaalla meel garoonka diyaaradaha magaalada Bangui ee caasimadda Afrikada Dhexe bartankii sannadkii 2014-kii, balse waxay dibadda u soo baxeen toddobaadyo ka hor markii wareysi lala yeeshay kooxo ka tirsan QM oo booqday dalkaas.

Mas’uulka Sare ee Hay’adda Qaramada Midoobay ee Xuquuqda Aadanaha, Zeid Raad Al-Hussein ayaa xusay inuu aad uga naxay eedeymahan cusub ee lasoo sheegayo in ciidamada nabad-ilaalinta ah ee Midowga Yurub ay ka geysteen dalka Bartamaha Afrika.

Bishii December ee Sannadkii hore ee 2015-kii ayay guddi Madax-bannaan ayaa waxay ku eedeeyeen QM inay wax ka qaban wayday eedaha la xiriira xadgudubyada ay geysanayaan ciidamada ku sugan Bartamaha Afrika ee ka kala socda Dalalka; France, Equatorial Guinea iyo Chad.

Dowladda Faransiiska ayaa waxay bishii Decmber ee sanadkii 2013-kii u dirtay Bartamaha Afrika 2,000 oo Askari kuwaasoo ka horreeyay kuwa Qaramada Midoobay waddankaas oo ay Faransiisku gumeysan jiray, si xxaaladihii ka taaganaa wax uga qabtaan.

Ugu dambeyntii, Waxaana Howsha Nabad-ilaalinta Dalkaas si toos ah ula Wareegay Bishii September ee Sannadkii 2014-kii Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ay Tiradoodu gaarayso 10,000 oo Askari.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya