4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
SAWIRRO: Senetor Abshir Bukhaari oo Xafiis bulshada loogu Adeegayo ka Furay Cadaado


Sabti, December 03, 2016 (HOL) — Abshir Bukhaari oo ahaa Senetor-kii u horreeyay ee loo doorto Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, ayaa Xafiis uu Bulshada ugu Adeegayo ka furtay degmada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

Mudane Abshir Axmed ayaa furista xafiiskan wuxuu kusoo beegay xilli lagu eedeynayo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed inaysan wax xiriir ah la lahayn dadka ku nool deegaannada ay Wakiilada u yihiin. Wuxuuna sheegay in xafiiskaan uu furay uu billow u yahay Dowlad-wanaaga, taasoo ujeedada ka dambaysa ay tahay sidii loo abuuri lahaa hoggaan ku salaysan wax-qabad.

“Waxaan hormuud u noqonayaa billow cusub oo ay ku dheehan tahay; isla xisaabtan iyo mas’uuliyad, maadaama waqti dheer Arrimaha Siyaasaddu ay ahayd mid aan lahayn isla-xisaabtan iyo in wax loo qabto bulshada,” ayuu yiri Abshir Bukhaari.

Sidoo kale, Mudanaha ayaa Hadalkiisa ku daray. “Maadaama Maanta aan ahay Senatar, waxaa diyaar u ahay inay ila Xisaabtamaan Bulshada Soomaalida oo dhan, Gaar ahaan deegaanada mas’uuliyada gaarka ah ay iga saaran tahay iyo inaan bulshadiisa u adeego.”

Wuxuuna intaas ku daray, iyadoo Siyaasadda Somalia ay ku Saleysan tahay Habka 4.5-ka oo ah hab beeleed oo muwaadiniin badan iyo Dhallinyarada ay ku Waayeen Fursad ay uga  qayb-galaan Mmaamulka Siyaasadda, ayaan go’aansaday in aan muujiyo sida aan diyaarka ugu ahayn inaan bulshada aan mas’uulka u ahay ugu adeego xafiiskan cusub, sidoo kalena ay Dadweynaha Soomaaliyeed oo dhan ka faa’iideystaan.

Dhanka kale, Senatar Axmed ayaa Xusay in Xafiiskaan uu u Furan yahay ruux Walba oo Soomaali ah, gaar ahaan dhalinyarada iyo dadka Soomaaliyeed ee codkooda ka waayay inay soo doortaan hoggaamiyaashooda sababo la xiriira cadaalad-darro ka dhalatay habka qabiilka ku salaysan ee 4.5-ka.

Ugu dambeyn, Xafiiskan ayaa u fududeyn doonaa Dhammaan Waxyaabaha kasoo baxaya halka laga furay, iyadoo weliba laga heli karo fursad ay isku weydaarsadaan dhalinyarada Fikradahooda ayna ku horumarin karaan noloshooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya