4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
Ciidamada Puntland iyo Koox Daacish Taabacsan oo Maanta ku Dagaallamay Dulleedka Qandala


Sabti, December 03, 2016 (HOL) — Dagaal u dhexeeya Ciidanka Puntland iyo Xoogagga ka tirsan Ururka Daacish, ayaa maanta ka dhacay Deegaan 53-km u jira Degmada Qandala ee Gobolka Bari oo lagu Magacaabo Basaasi, Dagaalkaas oo khasaare ay ka dhasheen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland, Yuusuf Maxamed Wacays [Dhedo].

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Puntland oo la Hadlayay VOA-da, ayaa sheegay in Qarax Miino oo dhulka lagu aasay lala beegsaday gaari ay wateen Ciidamada uu Hoggaaminayay oo ku socday degmada Qandala, ayna ka dhaawacmeen saddex askari, balse dagaal dhacay qaraxa kaddib ay ku dileen Toddoba ka mid ah xoogaggii Al-shabaab ee ay Dagaallameen.

“Dagaaku wuxuu ka dhacay Basaasi oo 53-km u jirta degmada Qandala oo aan u soconnay, waxaana ciidamadeenna loo dhigay Qarax, saddex askari ayaa nooga dhaawacmay. Qaraxa kaddib iska-horimaad ayaa dhacay inagoo ku dilnay toddoba ka mid ah Daacish,” ayuu yiri Guddoomiye Wacays.

Sidoo kale, Guddoomiyaha oo la Weydiiyay inay Ajaanib ku jireen dadka ay sheegeen inay Dagaalkii maanta dhacay ku dileen, ayaa ku jawaabay in uusan ku Arag wax Ajaanib ah oo dhammaantood ay ahaayeen Soomaali.

Waxaa kaloo, Guddoomyaha la weydiiyay qorshahooda ku aaddan haddii ay la wareegaan degmada Qandala ayaa ku jawaabay. “Waxaa noo Qorsheysan in Dadkii ku noolaa aan dib ugu xoreyno oo ay dib ugu soo laabtaan deegaankooda, kooxaha ka tirsan Daacish ee naga baxsadana aan daba-galno.”

Guddoomiye Wacays oo la weydiiyay halka ay kasoo duuleen xoogagii ISIS ka tirsanaa ee ay maanta Dagaallameen, ayaa sheegay in ay yihiin kooxo ka goostay Al-shabaab, mudana at la socdeen Dhaq-dhaqaaqooda, wuxuuna ku daray hadalkiisa inaysan ahayn koox awood leh.

“Qorshaheenu waa inaan 24-ka saac ee soo socda la wareegno degmada Qandala, Waxaana doonaynaa inaan awooda kooxda wiiqno, waayo degmada Qandala oo la xoreeyo ma ahan hadafkeenna,” ayuu ku daray Guddoomiyaha Gobolka Bari oo Hoggaaminayay Ciidamada Puntland ee ku wajahan Degmada Qandala.

Dhanka kale, ma jiro hadal ku saabsan Dagaalkaan khasaaraha dhaliyay ee Puntland ay ka Sheegatay Guusha oo kasoo baxay Dhanka Ururka Daacish ee Gacanta ku haya Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Ugu dambeyn, Xoogagga taabacsan Daacish ee ku sugan deegaano ka tirsan Puntland, ayaa Daba-yaaqadii Bishii Oktoobar ee Sannadkaan la Wareegay Degmada Qandala ee Gobolka Bari, iyagoo tan iyo muddadaas gacanta ku hayay degmadaas, inkastoo haatan ay degmada kusii dhawaanayaan Ciidammo kala duwan oo ka tirsan kuwa Maamulka Puntland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya