4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
Xukuumadda Shiinaha oo ka Carootay Wada-hadalkii Dhex-maray Trump iyo Madaxweynaha Taiwan


Sabti, December 03, 2016 (HOL) — Dowladda Shiinaha ayaa ka Carootay Wada-hadallo dhanka Taleefoonka ah oo madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka Donald Trump uu la yeeshay madaxweynaha Taiwan.

Dalka shiinaha ayaa Taiwan u arka gobol ka mid ah dal weynaha Shiinaha balse gooni isu taagay.

Xiriirka tooska ah ee Trump uu la yeeshay madaxweynaha Taiwan Tsai Ing-wen, ayaa wuxuu jebiyay Siyaasadda ahayd Dimuqraadiyadda Mareykanka ee uu kula dhaqmi jiray Taiwan.

Shiinaha ayaa durbaba cabsho toos ah u gudbiyay xukuumadda Washington, taa oo ay uga ashtakooneyso wadahadalka uu Trump la yeeshay madaxweynaha Taiwan.Wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha Wang Yi ayaa wicitaanka Trump ku tilmaamay khiyaano aan micno sameynayn oo ay Taiwan waddo.

Wuxuu intaas ku daray in aragtida Shiinaha ee ah midnimada dalkaasi ay dan ugu jirto xiriirka ka dhaxeeya Mareykanka iyo shiinaha.

Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump, ayaa waxa uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay fariin uu ku sheegayo in ay soo wacday Madaxweyne Tsai Ing-wen.

Wadahadalka dhex maray Trump iyo Madaxweynaha Taiwan ayaa ka mid ahaa afar wicitaan oo uu shalay Trump ka helay hoggaamiyeyaal ajnabi ah, hasayeeshee uma aanay muuqan in wicitaankaasi ay wax lug ah ku lahayd wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, taasi oo caadiyan ka tala bixiso arrimaha siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Xukuumadda Mareykanka ayaa Xiriirka Dimuqraadiyadeed u jaray Jasiiradda Taiwan Sannadkii 1979-kii.

XIGASHO: BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya