4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
DAAWO: Labo Wiil oo Somali-American ah oo garab u noqday Dadka Abaaruhu ay Saameeyeen


Sabti, December 03, 2016 (HOL) — Liibaan Aadam iyo Khaalid Maxamed, waa 23-jiro ku koray Waddanka Maraykanka, Waxayna dagan yihiin Koonfurta Magaalada Minneapolis; iyagoo billaabay inay iska-kaashadaan sidii at dhaqaale ugu ururin lahaayeen Dadka ay ku yeesheen saameynt Abaaraha ka jira Soomaaliya.

Bishii November 20-keedii, ayay Baraha Bulshada ka billaabeen Ololaha Sanduuq Taakulo (GOFOUND), iyagoo Codsatay Qiyaas lacageed oo dhan 10,000 oo Doollar, Waxayna soo bandhigeen dhaqaalaha ay ururiyeen oo ahaa qoyaastii 1,000 Dollar maalintii.

Sdoo kale, Liibaan Adam iyo Khaalid waxay HOL u sheegeen in ay Maalin kasta wacaan saaxiibadood iyo ehelkooda marmarna ay tagaan Suuqyada Soomaalida, iyagoo yabooha abaaraha u weydiinaya ganacsadada iyo dadka ka dukaameysanaya suuqyadda Soomaalida.

“Markaan Aragnay Waxa Maanta Soomaaliya ka jira, Dhibaatatada Abaaraha  oo ka jira dalkeena ayay nagu dhalatay in aanu Hawshaan Qabanno.” Ayuu yiri Liibaan Adam oo la hadlayay HOL.

Dhanka kale, Khalid Maxamed ayaa isagana sheegay in dadka lacagahaan bixiyay ay kala joogaan Magaalooyin badan oo Adduunka ah Xitaa Soomaali joogta  Tel-aviv, Israel oo ka ah arday iyo qaar ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa Go-Found-ka kusoo shubay lacagta.

“Lacagtaas Waxaan diri doonnaa ugu dabmeyntii Maalinnimada Isniinta ah ee soo Socota, markaan gaarno tiradii aan rabnay oo mar walba si fiican u socota, iyadoo mar walbana uu is-beddelayo tirada aan hayno,” ayuu mar kale yiri Liibaan Adam.

Ugu dambeyntii, Magaalada Minnesota, waxaa ka jira boqollaal qof oo sheegta inay yihiin Hoggaamiyaasha bulshada kamana hadlaan arintan ay u kaceen da’yar-taan Soomaaliyeed, marka laga reebo dhawr masaajid oo maalmahan billaabay inay Ururiyaan Taburucaadka Abaaraha.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota