4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
DAAWO: Waxgarad & Odayaal sheegay in la Musuqay Doorashadii shalay ka dhacday Cadaado

Sabti, December 03, 2016 (HOL) — Odayaal iyo Waxgarad Degmada Cadaado ku kulmay ayaa si adag uga hor yimid doorasho maalintii shalay ka dhacday Degmada Cadaado oo ay ku tilmaameen in ay aheyd doorasho been abuur ah oo la musuq-maasuqay.

Doorashadan oo maalintii shalay uu ku soo baxay Saabir Nuur Shuuriye, ayeey odayaashu sheegeen in la been abuuray, kaddib markii la musuq-maasuqay ergadii loo baahna in ay wax doortaan, iyaga oo intaa ku darray in arintan ay ka shaqeeyeen Mas'uuliyiinta maamul-gobolleedka Galmudug.

Ergada codeysay ayay ku tilmaameen inay u badnaayeen sida ay hadalka u dhigeen Ciiidan dhar shibil ah ku labisnaa, islamarkaana ka socday Hal jufo oo kaliye, halkii loo baahnaa in ergadu ka koobnaadaan saddexda jilib ee beesha kursiga iska leh.

Doorashadan shalay ka dhacday degmada Cadaado ayaa waxaa horay u qaadacay siyaasiga C/qaadir Cali Cumar oo markii hore ahaa Musharrax u taagan ka Qeab-galka Doorashada, laakiin markii danbe go'aankiisa badalay kaddib markii sida uu hadalka u dhigay uu ka war hellay in doorashada la musuq maasuqayo.

Eedeymahan soo baxaya ayaa dhamaanood marka la eego waxaa ay salka ku hayaan habka iyo Hannaanka ay u socdaan Doorashada oo la leeyahay Waxaa ka jira Musuq baahsan iyo xatooyo lagu sameynayo codadka ay dhiibanayaan ergada.

Ugu dambeyn, Illaa iyo hadda ma jirto tallaabo ay qaadeen gudiyada doorashada madaama eedeymaha qaarkood yihiin ku culus.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected] 
Beledweyne, Soomaaliya