4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2016
Diyaarad drons ah oo ku soo dhacday deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose


Sabti. December, 03, 2016 (HOL) - Wararka naga naga soo gaaraya gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya in diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ah [Drone] ku soo dhacday deegaan ka tirsan gobolka Sh/hoose, sidda ay warbaahinta u sheegeen goob joogayaal.

Ilaa iyo hadda lama oga waddanka diyaaradan laga leeyahay, waxaana sidda dadka deegaan laga soo xigtay lagu arkay deegaanka lagu magacaabo Bariire oo ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Diyaarada ayaa la sheegay in ay ku soo dhacday meel dhul beereed ah , waxaana dhici karta in diyaaradan qeyb ka tahay diyaaradaha wax basaasa ee dowladda Mareykanka.

Saraakiil ka tirsan Al-shabaab ayaa warbaahinta u sheegay diyaarada ay hadda iyagu gacanta ku hayaan, laakiin ma aysan sheegin sababta ay u soo dhacday.

Ugu danbeyntii, ma'aha markii ugu horeysay oo siddan oo kale diyaaradaha yar yar ee aan duuliyaha laheyn loogu arko qeybo ka mid ah koonfurta Soomaaliya oo tiro dhowr jeer hore ah ay ku soo dhaceen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya