4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
Guddoomiye Cirro oo sheegay in loo diiday inuu xabsiga ku booqdo masuul xisbigoodda ka xidhan iyo jawaabta xukuumadda

Sabti, Diseembar 03, 2016 (HOL)-Guddoomiyaha golaha Wakiiladda Somaliland, ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro, ayaa sheegay in loo diiday inuu saldhiga dhexe ee Hargeysa ku booqdo sarkaal ka tirsan xisbigoodda oo xidhan.

Gudoomiye Cirro ayaa sharci daro ku tilmaamay sababta loogu diiday in sarkaalkaasi xabsiga ku jiray inuu booqdo loogu diiday, waxaannu sheegay in xiitaa markii la xidhayey aan lagu soo wargalin. 

"waxaan shacabka Somaliland u sheegayaa wixii ka dhacay saldhiga dhexe ee magaalada hargaysa waxa uu fool xumo ku ahaa qaranimada Somaliland iyo dawladnimadaba,waxaanu subixii hore ee saaka ku Tagnay saldhiga dhexe ee Hargaysa aniga iyo saraakiil ka socday xisbiga waddani,waxaanu u soconay oo kaliya sarkaal sare oo ka xidhan xisbiga waddani si aanu u soo salaano oo kaliya,waxaanu xadhigaas u aragnaa xadhig siyaasadeed oo cid uu ilaa hadda uu u xidhan yahay aan la garanayn.”ayuu yidhi Cirro

"waraaq qabasho oo loo keenay ma jirto xisbigana lama soo ogaysiin, maadaama oo uu sarkaal sare oo xisbiga ka tirsan yahay laakiin arinkaas umaanu socone waxaanu u soconay oo kaliya inaanu soo bookhano kadinka xabsiga markaanu tagnay waxaanu ugu tagnay nin sarkaal ah oo joogay madasha iyo laba askari meelahaas oo kadinka jooga oo hubaysan, waxaanu uu nagu yidhi gali maysaan saldhiga,waxaan ku idhi aniga may garanaysa waxa uu ku jawaabay haa,waxaan waydiiyay sab lagu diidi karo aniga may sheegi karaysaa maya ayuu yidhi oo anigu amarkaas ayaan haystaa ayuu yidhi.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Guddoomiye Cirro ayaa diidmadda saldhigaasi loo diiday inuu booqdo sarkaalkaasi xisbiga ka tirsan oo xidhan, taas oo uu ku tilmaamay sharci jabin maadaama oo uu ka mid yahay madaxda sare ee dawladda.

Dhinaca kale, wasiirudawlaha arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriya ayaa ka jawaabay eeddaasi uu gudoomiye Cirro usoo jeediyey xukuumadda iyo sababta loogu diiday.


Wasiirku waxa uu sheegay in tiro badan ku yimaadaan saldhigga taasina ay askartu kadiiday inay dad faro badan culayskeeda aanay qaadi Karin.

 “Waad ogtihiin waxa lagu xidhay nin warbaahinta maqaalo ku qori jiray ayaa ilig laga jabiyey, gacana laga jabiyey, ninkaasi wuxuu sheegay in hebel iyo hebel soo weerareen, cidaasi ayaa igu soo dirtay, marka eedeen ciddii wax ka sheegatay ayaa lagu xidhay, muwaadin ayaa soo ashkateeyey.”ayuu yidhi wasiir Maxamed Muuse Diiriyey oo ka hadayey sarkaalkan ka tirsan xisbiga WADANI ee xabsiga ku jira iyo sababta loo xidhay.

 Mar uu ka hadlayey sababta loogu diiday inuu saldhiga booqdo, waxa uu yidhi “gudoomiyuhu wuxuu doonayaa inuu madaxweyne noqdo saldhigyda askartii joogtayna way is qabqabsanayaa, hadii uu doonayo inuu booqdo waxay ahayd in uu wasaaradda arrimaha gudaha yimaado ama saldhiga, inta meesha socotay Cirro oo kaliya may ahayn ee dhawr iyo toban nin oo ahaa raggii waaweyna oo dalka wax ka soo xukumay ayaa ka mid ahaa dadka meesha marayey, culayska intaas leeg saldhigyaddu ma ogolaanayo,  saldhigay waydiinayeen maxaa loo xidhay inay anaga uga jawaabi lahayn waxa loo xidhee inay anaga noo yimaadaan bay ahayd”

Si kastaba ha ahaatee, sarkaalkan xisbiga WADANI ka tirsan oo magaciisa la yidhaa Muniir Axmed Cigaal iyo wariye Cali Mahdi Jibriil ayaa loo taxaabay xabsiga ka dib markii nin qoraa ah oo magaciisa la yidhaa Jaamac JIir uu sheegay inay soo weerareen oo nabaro u geysteen, waxaanu sheegay in labada qof iyo koox la socotay ay gacanta iyo iliga ka jabiyeen, taas ayaa keentay in la xidho.

Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]

Hargeysa, Somaliland.