4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2016
Galmudug oo ku eedeysay Puntland in jabineyso xabad joojintii horay loo gaaray


Sabti, December, 03, 2016 (HOL) -  Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in xalay ciidammo ka tirsan Puntland weerar ku qaadeen saldhiga dhexe maamul gobolleedka Galmudug ee ku yaalla koonfurta galbeed ee magaalada Gaalkacyo.

Cawil Nuur Rooble oo ay taliyaha saldhiga dhexe ayaa warbaahinta u sheegay in ciidammo ka tirsan kuwa Puntland xalay soo weerareen fariisin ay ku sugnaayeen ciidammadooda, isaga oo intaa ku darray in tan iyo markii hishiiska lagu kala saxiixday ciidammada Puntland marar badan weeraro soo qaadeen.

''Arintan waxaa ay u muuqaataa in lagu qal qal galinayo ammniga magaalada, islamarkaana lagu jabinayo hishiiskii horay loo gaaray, waxaana  ugu baaqeynaa guddiyada arintan ku howlan in ay la socdaan dhaqdhaqaaqyada iyo weerarada ay soo qaadayaan ciidammada Puntland'' ayuu yiri taliyaha.

Eedeymahan ayaa soo baxeysa iyadoo todobaadyadii ugu danbeeyayba ay deganeyd magaalada Gaalkacyo oo ay ka dhaceen dagaaalo culus oo u dhaxeeya ciidammada Puntland iyo Galmudug.

Hasse ahaateen eedeymahan danbe ee soo baxaya ayaa shaki badan galin kara hishiiskii horay loo gaaray oo ay kala saxiixdeen madaxweynayaasha labada maamul.

Ugu danbeyntii, ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Puntland oo ku aadan eedeymaha loo jeedinayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya