4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
Hayadaha samafalka oo u taag la' wax ka qabashada dhibaatada abaaraha Soomaaliya


Sabti, Diseembar 03, 2016 (HOL)-Xiriiriyaha Arimaha Gargaarka ee Soomaaliya, Peter de Clercq ayaa ku baaqay in la dardar galiyo cawimaada baniaadminimo ee dalka Soomaaliya loogu tala galay.

Deeq bixiyeyaasha ayaa Peter de Clercq uu codsiga u diray. Haatan ayaa waxaa aad u yaraaday gargaarka baniaadminimo maadaama hayaduhu waxay u hayaan Soomaaliya ay yar yihiin.

Waxaa jira abaaro ba'an min Somaliland, Puntland, gobolada dhexe ilaa koofurta. Dad badan oo reer miyi ah ayaa xoolihii ka dhammaadeen baad iyo biyo la'aan aawadood. Qaar ayaa markii xoolihii ka dhammaadeen dhawaan is daldalay.

Dad kasoo hayaamay abaarta ka jirta Mudug ayaa asbuucaan soo gaaray Hiiraan.

"Abaarta Puntland iyo Somaliland ayaa kasii dartay oo kusoo baahday koofurta iyo gobolada dhexe". Peter de Clercq ayaa sidaa u sheegay beesha caalamka asagoo ka hadlaayay Nairobi.

Wuxuu sheegay in xaaladu ay intii hore ka murugo badan tahay. Wuxuu sheegay in ururada samafalku u baahan yihiin fan dheeraad ah oo ay wax uga qabtaan xaalada abaarta ee Soomaaliya.

Wuxuu diray baaq ah in ururada samafalka ee Soomaaliya ka shaqeeya lala soo gaaro ilaa $885 milyan.

Roobkii deyrta oo meelo badan oo dalka ah aan ka da'in sanadkaan ayaa sababay in dalag badan uusan beeraleyda usoo go'in iyo baadkii iyo biyihii oo xoolaha dalka ku yaraaday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]