4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2016
Labo wiil oo Soomaali ah oo lagu dilay magaalada Stockholm ee dalka Sweden


Sabti, December, 03, 2016 (HOL) -- Rag hubeysan ayaa xalay toogasho ku dillay labo wiil oo Soomaali ah xaafadda lagu magacaabo Rinkeby ee magaalada Stockholm ee dalka Sweden.

Rag toogashada geystay oo watay qoryaha darandooriga u dhacay ayaa ku weeraray labo wiil oo walaal ah xaafadda Rinkeby oo ay Soomaalidu ku badan tahay.

Goob joogayaal ayaa sheegay in kooxdan weerarka ku dishay labada wiil ee Soomaalida ah wajiyada u xirnaayeen si aan loo garan.

Dhalinyarradan la dillay ayaa lagu kala magacaabi jiray Zakariye iyo Feysal oo ahaa rag dhalinyarro ah sidda ay warbaahinta u sheegeen waalidiinta labada wiil.

Goobta toogashada ka dhacday ayaa waxaa isugu soo baxay dad badan oo Soomaali ah iyo ciidammo ka tirsan booliiska magaalada Stockholm, kuwaa oo halkaa ka bilaabay baaritaanno la xiriira dilka wiilashan.

Ugu danbeyntii, falal noocan oo kale ah ayaa horay uga dhacay dalal kala duwan oo ku yaallla caalamka kuwaa oo lagu bartilmaameedsaday dhalinyarro Soomaali ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne. Soomaaliya