4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Dec 3 , 2016
Wiilkii Soomaaliga ahaa ee dhawaan weerarka qaaday ee la dilay oo lagu aasay Ohio


Sabti, Diseembar 03, 2016 (HOL)-Magaalada Columbus Ohio ayaa waxaa lagu aasay meydka C/Rizaaq Cali Cartan.

C/Rizaaq Cali Cartan ayaa Isniintii aanu soo dhaafnay weeraray dad gudaha jaamacada Ohio State University. Garigiisa ayuu ku dhuftay dad asagoo markii dambena mindi ku weeraray dad badan.

Farrriin FBI ay heshay oo ay sheegtay inuu meel ku qoray ayaa uu ku sheegay inuu ka dhiidhiyay dhibaatada ummada Muslimka ah lagu hayo daafaha caalamka oo dhan.

Qoyskiisa ayaan wali la hadlin saxaafadda iyaga oo sheegay inay ka war sugayaan baaritaanka ay booliisku wadaan natiijada kasoo baxda.

Ururka Daacish ayaa sheegtay in wiilkaasi uu ahaa “askari iyaga ka tirsan” .

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]