4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 3 , 2016
Doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha oo dhaceysa sanadka 2017 ka hor


Sabti, December, 03, 2016 (HOL) - Gudiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ayaa sheegay in doorashada guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweynaha dhici doonaan ka hor sanadka 2017, taasoo macnaheedu yahay bishan December la qabanayo doorashooyinkaas.

Avv. Cumar Max'ed C/dulle oo ah guddoomiyaha guddiga doorashada dadban ayaa sheegay in hadda la soo gudbiyay liisaska xildhibaanadii ugu badnaa, islamarkaana la bixin doono shahaadooyinkii iyo aqoonsigii xildhibaannada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xildhibaano badan lagu soo doortay gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya, walow ay harsan yihiin wakiilada Somaliland ee baarlamaanka.

“Guddiga doorashada marnaba uma qorsheysna  in doorashada sanadkaan ka dib dhacdaa 2016, mana gaari doonto 2017”ayuu yiri Cumar Dhageey.

Ugu danbeyntii, doorashada madaxweynaha ayaa marar badan dib u dhac uu ku yimid, waxaana gudoomiya gudiga doorashada uu sheegay hadalkaan oo kale kadib kulan wada qaateen wakiilada beesha caalamka iyo gudiga doorashooyinka kaasi oo ka dhacay Xalane.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beleweyne, Soomaaliya