4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya oo Hirshabeele Taageero u Ballan Qaaday

 

Jimco, Diseembar 02, 2016 (HOL)-Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u Qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira ayaa taageero u ballan qaaday maamulka cusub ee dhawaan la sameeyay ee Hirshabeele.

Francisco Madeira ayaa taageeradaa oo ku saabsan kaabeyaasha dhaqaalaha sidii loo horumarin lahaa u ballan qaaday Hirshabeele iyo waliba sare u qaadidda ammaanka sidii looga shaqeyn lahaa. Labadaa arin ayaa haatan muhiim u ah Hirshabeele sida qeybo badan oo kale oo dalka ah.

Wuxuu sidoo kale ballan qaaday taageero dhanka sare u qaadida wax soo saarka beeraha ah taasoo muhiim u ah gobolka.

 

'Waxaanu dooneynaa inaan ku taageerno madaxweynaha  HirShabeele dadaaladiisa uu ku horumarinaayo dawlad goboleedkaan anagoo xaqiijinayna in kaabeyaasha sida jidadka la horumariyo ayna ahaadaan had iyo jeer kuwo la mari karo si dadku dalagyada usoo go'a ay suuqyada ugeeyaan maadaama tani tahay meel beero laga qotto dadkuna beeraley ay yihiin'. Sidaa ayuu yiri Francisco Madeira.

Francisco Madeira ayaa yaboohay dhammaan arimahaa mar uu asbuucaan booqday magaalada Jowhar.

Francisco Madeira ayaa la kulmay madaxweynaha Hirshabeele Cali Cabdullaahi Cosoble.

Madaxa shaqaalaha Hirshabee C/Qaadir Cabdullaahi Xooshow ayaa sheegay in labada masuul ay isla gorfeeyeen fikrado saliim ah oo arimo muhiim ah kusaabsan kuna saabsan maamulka Hirshabeele.

Waxaa kaloo ay isla soo qaadeen labada masuul doorashooyinka kasocda Hirshabeele ee baarlamaanka Soomaaliya ee federaalka.

Intii uu joogay Jowhar Francisco Madeira wuxuu sidoo kale la kulmay saraakiil sare oo katirsan AMISOM iyo  SNA oo aad isugu hawlinaaya sidii ammaanka guud loo sugi lahaa gaar ahaan xilligaan oo doorashadu halkaa wali ka socoto.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]