4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
Xaliimo Aadan oo ayadoo xijaaban ka qeyb qaadatay bandhigga quruxda ee Miss Minnesota

 

Jimco, Diseembar 02, 2016 (HOL)-Xaliimo Aadan oo ah gabar Soomaali ah oo kunool gobolka Minnesota ee Mareykanka ayaa ayadoo xijaaban ka qeyb qaadatay bandhigga quruxda ee Miss Minnesota.

Gabadhaa ayaa taariikhda baal ka gashay kadib markii ay ayadoo xijaaban ka qeyb qaadatay bandhiggaa ayadoo dadka hortooda ayadoo laafyooneysa oo xijaaban soo martay. Waa gabadhii ugu horeysay abid oo bandhiggaa quruxda ayadoo xijaaban ka qeyb qaadata.

'Waxaan ku fakari jiray muddo dheer inay tahay inaan u hoggaansamo wixii la yeeli jiray amaba aan baddalo sida aan u ekahay ama in xijaabku daciifinaayo quruxdeyda". Sidaa ayay tiri.

 

" Waqti ayaan qaatay waxaana ogaaday inay jiraan hablo badan oo xijaab xidha kuna

qurxoon. Wali wuxuu iga sii dhigay mid sidii hore si ka badan isugu kalsoon'. Sidaa ayay tiri Xaliimo.

Waxay tiri sidee ayuu aduunku ahaan lahaa hadii dadka oo dhan ideylkood ay isku mid ahaan lahaayeen?

Markii hore in badan oo bulshada Soomaalida ah ee Minnesota ayaa ka soo horjeeday inay ka qeyb qaadato bandhiggaa laakiin in badan ayay taageero ka heshay markii ay xijaabka uga qeyb gashay xataa hooyadeed ayaa sidaa ay cajab galisay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]