4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
Isbitaalada Turkiga oo boqolaal kun lagu daweeyo gudaha qaarada Afrika



Jimco, Diseembar 02, 2016 (HOL)-Isbitaalo dawlada Turkiga iyo shirkado Turki ah ay ka dhiseen Soomaaliya, Suudaan iyo Liibiya ayaa waxaa lagu daweeyaa boqolaal kun oo Afrikaan ah.

Bukaanadaa ayaa ay ku adkeyd inay meelo kale adeegyo caafimaad ka helaan. Dalalkaa ayaa labo ka mid ah waa Soomaaliya iyo Liibiyee waxaa ka jira colaado.

Ilaa hada ilaa 400,000 oo ah dad rayid ah ayaa ka faaiideystay isbitaaladaa adeegyada laga bixiyo, waa sida laga soo xigtay ururka TIKA ee dalka Turkiga laga leeyahay.

Turkiga ayaa isbitaal ay ka dhiseen Muqdisho sanadkii 2015 waxaa lagu daweeyay ilaa 67,000 oo Soomaali ah sanadkii lasoo dhaafay oo qura.

Adeegyada laga helo isbitaalada Turkiga ee qaarada kuyaala ayaa ah ku tayo leh.

TIKA ayaa in ka badan 10 xafiis ku leh qaarada Afrika ayadoo dhanka xoojinta xiriirka ugu qaabilsan Turkiga qaaradaan Afrika.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]