4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
Dacwad-da Seddex nin oo Qorshaynayay Qarxinta Masjid ay Somalida ku leedahay Garden City oo Dib loo Dhigay

/images/2016/Dec/
Jimco December, 02, 2016 (HOL) - Maxkamadaynta seddex qof oo ka soo jeeda Kensas loona haysto qorshaynta weerar bambaano oo lalal eegan lahaa Masjid ay Somalida Kensas leedahay ayaa mar kale dib loo dhigay.

Qaadiga Maxkamadda ee Kensas Eric Melgren ayaa sheegay in maxkamddu ay go’aanka kama danbaysta ah ee  kiiskan ay gaari doonto 25-ka bisha Afaraad ee sanadka danbe ,iyadoo dhagaysiga dacwad-dan uu ka dhici doono maxkamad Federaali ah oo ku taala Wichita.

Patrick Stein oo 47 jir ah , Gavin Wright oo 51 jir ah iyo Curtis Allen oo 49 jir ah ayaa la sheegay in ay ka tirsan-yihiin maleeshhiyo lagu magacaabo ‘Crusaders ‘ ,kuwaasi oo aad uga soo horjeeda joogitaanka ajnabiga muslimiinta ah ee ku nool gudaha dalkaas.

Dowladda ayaa sheegtay in seddexan la soo qabtay xili ay qorshaynayeen in ay qarxiyaan masjidka ay Soomaalidu ku tukato oo ku yaala magaalada Garden City  ka dib muddo dheer oo daba-gal lagu hayay.

Ugu danbayn,Rag-gan ayaa la sheegay in ay ku doodeen in aysan wax danbi ah ku lahayn isticmaali-da hubka wax bur-buriya oo ay doonayeen in ay la eegtaan 120 qof oo Somali musliimiin ah, waxaana kiiskan uu mar kale dib u furmayaa 20-ka bisha 12-aad ee sanadkan. 

Faysal M. Hassan
[email protected]