4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
Madaxweynaha Cusub ee Mareykanka Trump oo Magacaabay Wasiirkiisa Gaashaandhigga


Jimco, December 02, 2016 (HOL) — Isku-soo-bixii ugu Horreeyay ee uu Qabtay Tan iyo markii uu ku guulaystay Xilka Madaxtinimada Mareykanka, ayuu Mr. Donald Trump kaga dhawaaqay in Janaraalka howlgabka ah ee James Mattis uu noqon doono Xoghayaha cusub ee gaashaandhiga.

Janaraal Mattis oo loo yaqaan ‘Mad Dog’ - ayaa horay uga tirsanaan jiray Ciidanka Dalka Mareykanka Wuxuuna Sumcad ku leeyahay Fikirkiisa istiraatiijiyadeed, hadal adag iyo in Iiraan uusan aaminsanayn. Wuxuu khibrad ka helay dagaalada ka soconaya dalalka Ciraaq iyo Afghanistan.

Trump ayaa u sheegay dad fara badan oo qaylinayay oo isugu soo baxay magaalada Ohio in James Mattis uu noqon doono Xoghayaha cusub ee gaashaandhiga Mareykanka.

Mr Trump ayaa sheegay inuu doonayo inuu wax ka badelo siyaasadda arrimaha dibadda ee Washington.

Trump ayaa sidoo kale u sheegay dadkii isugu soo baxay magaalada Ohio in wax walba oo awooddiisa ah uu u sameyn doono sidii uu argagixisada uga saari lahaa Mareykanka.

Ugu dambeyn, wuxuu xusay Weerrarkii Isniintii lasoo dhaafay uu ku qaaday Jaamacadda Ohio Wiilkii Soomaaliga ahaa ka hor inta uusan Carrabka ku dhufan in maamulkiisa uu soo bandhigi doono isbadello ballaaran oo uu ku sameyn doono sharciga socdaalka ee haatan jira.

XIGASHO: BBC

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya