4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
Dowladda Maraykanka oo Diyaarado nooca Dagaalka ah ugu Deeqday Kenya si loo Kordhiyo Dagaalka Al-shabaab

/images/2016/Dec/
Jimco, Diseembar 02, 2016 (HOL)- Dowladda Maraykanka ayaa lix diyaaradood oo nooca Helikobtarka ah ku wareejisay ciidamada difaaca Kenya si kor looga qaado dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab oo ka dagaalanta gudaha wadamada Kenya iyo Somalia.

Xoghayaha difaaca Kenya Raychelle Omamo ayaa lagu wareejiyay diyaaradahan ka dib munsaabad  lagu qabtay garoonka ciidamada cirka Kenya ee Laikipia aroornimadii hore ee maalinimadii arbacada.

 “Waxa ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan la dagaalanka kooxda Al-shabaab “ ayey tiri Omamo mar ay ka hadlaysay deeqdan oo lagu qiimeeyay lacag dhan $106 milyan oo dollarka Maraykanka ah una dhiganta 11 Bilyan oo Shilinka Kenya ah.

Safiirka dowladda Maraykanka ee Kenya Robert Godec  ayaa sheegay in deeqdani ay tahay  mid-di ugu balaarnayd oo lagu wareejiyo wadamada Sahara ka hooseeya ee Afrika ,waxaana uu sheegay in ay wax badan ka tari doonto la dagaalanka Al-shabaab.

“Dowladda Maraykanku waxa ay ahaan doontaa mid garab taagan la dagaalanka lagula jiro argagaxisada iyo xagjirnimada “ ayuu yiri Godec oo isna ka hadlay munaasabadan oo ay joogeen saraakiil sar-sare oo ka tirsan Kenya.


Ugu danbayn , tirada guud ee Kenya lagu wareejiyay ayaa gaaraysa sideed diyaaradood ,waxaana labada dhiman ay Kenya heli doontaa sanadka danbe bisha May ,iyadoo diyaaradahan ay sidoo kale ka qayb-qaadan doonaan howl-galada bad-baadinta iyo baaritaanada.

Faysal M. Hassan
[email protected]