4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
Arimaha Doorashada: Puntland oo eedeysay dawlada federaalka

Jimco, Diseembar 02, 2016 (HOL)-Dawlad goboleedka Puntland ayaa ku eedeysay dawlada federaalka ah in ay suurta galisay in la dhinac maro heshiiskii madashu horay uga gaadhay arimaha doorashada.

Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi iyo madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/Xakiim Xaaji Cumar Cameey ayaa warbaahinta u sheegay in la dhinac maray heshiiskaa.

Ayagoo ka hadlaayay shir jaraaid magaalada Garowe ee xarunta Puntland ayay sheegeen labada masuul in doorashada gobolada waqooyi qorshihii loo dajiyay la gees maray. 'Waxaa dhacday in la majaro habaabiyay loona samaystay habraac aan sharci ahayn'. Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sidaa yiri.

'Habraacaas oo aan malaynayo Jawaari iyo rag la mid ah in ay sameeyeen.. Taasina waa waxaan sharci ahayn". Guddoomiyaha baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa intaa raaciyay.

Waxay sheegeen in la doonayo in wixii madashu ku heshiisay la helo. Waxay sheegeen in si cad loogu qoondeeyay 11 xubnood Aqalka Sare gobolada waqooyi ee dalka.

Waxay intaa ku dareen in Sool, Sanaag iyo Cayn loo qoondeeyay 3 xubnood.

Waxay labada masuul cambaareeyeen qorshahaa wixii ka duwan ee lagu doonayo in lagu baddalo wixii heshiiska lagu ahaa.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/Xakiim Xaaji Cumar Cameey ayaa cambaareeyay in doorashooyinka guddoonka baarlamaanku bilowdaan ayadoon doorashooyinka xubnaha baarlamaanku aysan dhammaan.

'Bal marka ugu horeysa kalmadaan quorum  ee baryahaan aanu maqleyno ee la leeyahay 186 baanu heysanaa wax xalaal noqon kara ma jiraan ilaa labada aqalba ay soo dhammays tirmaan. Waxaynu ognahay in doorashooyinkii ay wali socdaan aqalka hoose; waxaynu ognahay in aqalka sare wali xubnihiisii qaarkood ay maqan yihiin". Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/Xakiim Xaaji Cumar Cameey.

"Waxaa hubaal ah in wali doorashadii ay socoto. Waxaadna moodaa in ayadoo la dadajinaayo loo dadajinaayo siyaasado gaar ahaaneed oo shakhsiyaad ay leeyihiin in maanta laga wada hadlaayo in quorum la raadiyo". Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/Xakiim Xaaji Cumar Cameey ayaa sidaana yiri.

Quorum ayuu sheegay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland C/Xakiim Xaaji Cumar Cameey in la raadsho markii baarlamaan xubnihiisii wada dhan yihiin la dhaarshay.

Doorashada Soomaaliya ayaa guud ahaan waxaa hareeyay eedo ay dhinacyada ku lugta leh qaarkood kala tabanayaan iyo dib u dhacyo badan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]