4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Dec 2 , 2016
QM: gumaad ayaa ka socda Koofur Sudan

Yasmin Sooka


Jimco, Diseembar 02, 2016 (HOL)-Khubarada QM u qaabilsan xaquuqul insaanka ayaa shalay sheegay in gumaad qabaail sifeyn ah uu ka socdo dalka Koofur Sudan.

Khubaradaa oo qaarkood ay booqdeen Koofur Sudan dhawaan ayaa sheegay in gumaadkaasi aad uga socdo dalkaa iminka. Waxay sheegeen in gumaadku uu iminka aad waliba uga jiro dhawr qeybood oo dalkaas ah.

Waanwaan nabadeed oo dalkaa ka jirtay ayaa burburtay bishii Luuliyo ee aanu soo dhaafnay ee sanadkaan 2016.

 

Waxaa kaloo ay sheegeen khubaradaasi in dalkaa ay ka jiraan ficilada ah kufsiga, gubidda tuulooyinka iyo dadka oo la silic dilyeeyo cuntadana laga hor istaago.

Kadib booqasho toban maalmood ay kujoogeen dalkaa ayaa khubaradu ku ogaadeen in dalkaasi khasaaro intaa ka badan uu qarka u saaran yahay.

"Masraxa ayaa diyaar u ah in mar kale uu dhaco wixii Rwanda ka dhacay beesha caalamkuna waa waajib in ay arinkaa ka hortagto." Yasmin Sooka oo ah haweyneyda madaxa u ah waaxda xaquuqul insaanka ee QM u qaabilsan Koofur Sudan ayaa sidaa sheegtay. 

Shir jaraaid oo daraad ay kooxdu ku qabatay Juba oo ah caasimada dalkaasi Koofur Sudan ayaa Yasmin Sooka ay ka hadashay ayadoo ka digtay dhibaatada dagaalka dalkaasi Koofur Sudan ka socda.

Dagaalka Koofur Sudan ayaa soo bilowday 3 sano ka hor markii madaxweynaha dalkaas Salva Kiir uu ku eedeeyay ku-xigeenkiisii Riek Machar inuu doonayo in dawlada uu afgambiyo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]