4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Guddiga doorashada oo qaadacay natiijo ka soo baxday doorasho shalay ka dhacday magaalada Cadaado

Khamiis, December, 01, 2016 (HOL) -- Guddiga doorashada heer federaal ayaa qoraal ay soo saareen ku qaadacay natiijada doorasho ka dhacday maalintii shalay magaalada Cadaado oo uu ku soo baxay xildhibaan Max'ed Axmed Abtidoon.

Guddiga ayaa sheegay in doorashadaasi aheyd mid baalmarsan hab raaca qoondada haweenka, madaama loo baahnaa in ay ku tartamaan haween oo kaliya, taasoo waxba kama jiraan ka dhigtay sidda lagu sheegay qoraalka natiijadii ka soo baxday doorashadaas.

Doorashada kursigan oo khilaaf ba'an uu ka taagnaa ka hor inta aan la qaban ayaa waxaa isaga baxday Caashi Xaaji Cilmi oo ka mid aheyd xubnihii loo baahnaa in ay u tartamaan, kaddib markii sidda ay hadalka u dhigtay la musuq maasuqay doorashada.

Hadba Akhriso qoraalka ka soo baxay guddiga doorashada heer federaal :


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya