4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Dec 1 , 2016
Puntland oo ka digtay in dhaariyo xildhibaannada ka hor inta laga soo dhameystirayo


Khamiis, December, 01, 2016 (HOL) - Kaddib shir jaraa'id oo ay maanta wadda jir ugu qabteen magaalada Garoowe madaxweyne ku-xigeenka maamulka Puntland iyo guddoomiyaha baarlamaanka, ayeey uga hadleen shakiga ay ka qabaan hanaanka doorashooyinka dalka.

Axmed Cali Xaanshi guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Puntland, ayaa sheegay in sidda ay hadda wax u socdaan marnaba ku qanacsaneyn dhinacooda, gaar ahaa waxaa uu farta ku fiiqay sidda ay dowladda federaalka Soomaaliya u maamushay xubnaha aqalka sare iyo hoose gobollada W/qooyi oo la baalmaray ayuu yiri hab raacii doorasho ee horay loogu hishiiyay.

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad gobolleedka Puntland C/xakiin Xaaji Camey oo shirka jaraa'id ka hadlay ayaa sheegay in beesha caalamka ku wargalinayaan ka Puntland ahaan aysan la dhacsaneyn sidda loo maamulayo doorashada, isaga oo intaa ku darray in arintan ay keeni karto in qolo walba wixii ay doonto ka sameyso doorashada hadda socta.

''Ma'aha in la baalmaro hab raaci lagu hishiiyay, beesha caalamka iyo aduunyada waxaan ku wargalineynaa in Puntland mar walba u taagan tahay ilaalinta wixii lagu hishiiyay, '' ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ka digay in la dhaariyo ama la howgaliyo xildhibaannada soo baxay ka hor inta la soo dhameystirayo dhamaanba doorashooyinka socda, kaddib markii dhawaan guddiga doorashada heer federaal  ku dhawaaqeen in xildhibaanada soo baxay ee liisaskooda la hayo howlgali doonaan si ay go'aan uga gaaraan waqtiga la qabanayo doorashada madaxweynaha.

''Waxaan maqmaqleynay in xildhibaanno halkan jooga lala soo hadlayo oo la leeyahay Muqdisho soo galla waa leydin dhaarinayaa, waxaan leenahay maxaa loo deg degayaan doorashooyinkii ayaaba wali socda, hala daayo waxa lala dhuumanayo waan ka digeynaa in xildhibaannada la dhaariyo ka hor inta aysan doorashada soo dhamaan'' ayuu yiri madaxweyne ku-xigeenka Puntland.

Ugu danbeyntii, hadalka ka soo yeeray dowlad gobolleedka Puntland ayaa mujinaya in wali uu jiro farqi dhinaca doorashada ah oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamul gobolleedka Puntland, taasoo keeni karta in mar kale dib looga dhaco waqtigii lagu ballamay in ay dhacaan doorashooyinka guddoonka baarlamaanka iyo madaxweynaha.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya