4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Dec 1 , 2016
SAWIRRO: Ciidanka Booliiska Somalia oo Maanta Bandhig ku Sameeyay Magaalada Muqdisho

Khamiis, December 01, 2016 (HOL) — Taliyaha Booliiska Somalia iyo Xubno ka tirsan Xukuumadda Federaalka, ayaa maanta ka Qayb-galay Bandhig ay Sameeyaan Ciidamada booliiska Somalia, kaasoo lagu qabtay Akadeemiyadda tababarrada Booliiska Soomaaliya.

Bandhiggan booliisku sameeyeen ayaa ujeeddadiisu tahay mid dhiirr-gelin, talo-bixin iyo isla-xisaabtanka ku aaddan, Waxaana bandhiggan sameeyay dhallinyaro soo dhameystay dugsiyada sare oo qaatay tababarro la siiyay, iyagoo soo bandhigay tababaradii ay qaateen..

Taliye ku xigeenka Akadeemiyada Booliiska Somalia, Jen. Muqtaar Gaaboow Xasan ayaa sheegay in ciidanka akadeemiyada ku sugan ay yihiin dhalinyaro wax baratay, isla markaana diyaar u ah inay u adeeggi bulshadooda, taasoo ah tan keliya ee loo carbiyeeyay.

Sidoo kale, Wasiirka Maaliyada Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti oo isna ka hadlay goobta ayaa yiri. “Ciidamada Booliiska Muuqaalka aan ka haystay Wax ka Qurux badan ayaan halkaan ku arkay, sidaa awgeed waxaan ugu deeqay laba Neef oo Geel ah iyo lacag loogu Talo-galay Kooxda Fanka ee Heegan. Sidoo kale miisaaniyada Sannadka soo socda ee 2017-ka Waxaa lagu dari doonaa ciidamada cusub ee booliiska kusoo biiray, Waxaana Sanandkaan billownay in Mushaaraadka lagu bixiyo darajada ciidanka uu ku kala sarreeyo iyo nidaam Electonic ah.”

Dhanka kale, Taliyaha Booliiska Somalia Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud oo bandhigga ka hadlay, ayaa xusay in Ciidanka Booliiska looga baahan yahay inay tusaan bulshadooda sida ay ugu diyaarsan yihiin u adeegidooda, isagoo intaas ku daray in muhiimada koobaad ay tahay anshaxa ciidanka iyo sarreysiinta sharciga dalka.

Taliye Xaamud, ayaa Lacago Abaal-marin ahaa guddoonsiiyay dhallinyaradii bandhiggan ka Qayb-qaadatay iyo Macallimiintooda, isagoo si gaar ah Abaal-marin u Guddoonsiiyey Qaybta Muusiga ee Kooxda Heegan.

Ugu dambeyn, Ciidanka Booliiska Somalia ayaa isku diyaarinaya Xuska Sannad-guurada 73-aad ee kasoo Wareegtay markii la dhisay ciidanka Booliiska, kuwaasoo Taariikh dheer ku leh Soomaalya, Waxaana muddooyinkan dambe socdey isbaddel dhan walba ah oo lagu tayeynayo ciidanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya